Waxaan boggan kusoo gudbinaynaa dhawr gabay oo aan wada dhannayn oo uu tiriyey abwaan Cali-nuur Muxumed Gaas. Cali-nuur waa gabayaa culus oo tixihiisu hal-kudheg soocan yihiin.Nin sabool ah iyo awrba way sahal dhaqaaqaane, labadaba hadaan seeto celin, socod ma daayaane iyo waan guursan iyo waan guuri goorwalbaba taagan, xaggay gabadhu iman waa kanoo gacalkii eedoowye; bal aad ugu fiirso.
Waxaa gabayadan soo uruuriyey oo siku soo dubbariday Cabdi Xiis Udan. Akhris wanaagsan.
Liibaanta iyo hoogu waa, labada maalmoode
Lurka iyo nacfigu waa, laydha galabbeede
Adoo xalayta laday caawa, waad laba lagdaysaaye
Nin sariir ku laameedhsadaa, liicid wow halise
Waa wuxuu Fircoon ugu lugo’ay, laantii uu koraye
Nabi Muxamed kii laga fadilay, waa la oofsadaye
Lixdan iyo markuu saa’id jiray, lagama laabteene
Labood buu dhalaa sicii nin, lihi ka seexdaaye
Laantaad hortii waabataa, laamadoodsi lehe
Nin yaraan ku loofaray wuxuu, lumiyay raacdeeye
Maxamedoow sifaha maansadiyo, sawd kii aayaraye
Waataan saraar gudhay sidii, sacaan irmaanaynee
Saqiirka iyo maangaabku way, igu saluugeene
Ruuxiise saaxibul caqliyi, kama siloonayne
Abaar siman dhulkoon saaclahayn, soora laga waayey
Sacleey hadii aadan ahayn, adhigu waa saad e
Amase ayna seenyo iyo idiin, sabada kuu joogin
Sokeeyaha intaad ladan tahaad, sama wadaagtaane
Marhadii siraad kugu balbalo, malihid saaxiibe
Adigoo surquun qaba biyaha, kuguma saydhaane
Suuyahay dayaay iyo maadsi bay, kaaga dhigi soore
Sicii miirtii waakay gudhee, sii dayaan ahaye
Haddaan sararta eygaasi wadan, sowd ma celiyeene
Hadba sarinta ii muuqaataan, sin u jaleecaaye
Nin sabool ah iyo awrba way, sahal dhaqaaqaane
Labadaba hadaan seeto celin, socod ma daayaane
Ana sahayda inaan qaato iyo, socodku waa daw e
Salaama iyo waa nabadgalyee, saa hala ogaado
Gugan da’ay waxaa Maxamedoow, gooyay hilibkayga
Gangankiyo madawgiyo waxaa, gibilka ii yeelay
Goobtaan fadhiistaba waxaan, godod u meegaari
Waxa guuta guutada shirkiyo, gaaska iga reebay
Gacmo madhan xil fuulaan arkoon, soo garwaaqsadaye
Kol uun baan gaddaydii ku dari, awr gulgula wayne
Kol uun baan martida soo gab tidhi, galax dhanaan siine
Kol uun baan galshada Eebahay, giib la iidariye
Kol uun baan barkimo giigsaniyo, gaariday heliye
Kol uun baan nin kii iga gabbada, ii gunuuniciye
Kol uun baan nin kii ii galoow, gudi abaalkaaye
Qurbac hooyadii dhimatayoo, xalayto ii heesay
Oo igu haloomsiyay anoo, heero kale jooga
Ninkii hadalladuu yidhi maqlaa, wuu hinganayaaye
Wuxuu yidhi hoheey maad xirsiga, haatan iga daysid
Waxaan idhi maxaad heli hadaan, kaa hilbo adkaysto
Wuxuu yidhi halkaygaan ku sugi, naas habeed badane
Waxaan idhi hunguri waa wixii, hooyadaa dilay e
Wuxuu yidhi hanaad baad tahaye, ma ay habowdeene
Waxaan idhi hortayduu ku dilay, mowd habaar qaba e
Wuxuu yidhi war sow tolkaa, halana muu haysan
Waxaan idhi hantiyi waa nin lehoo, waanan ka helayne
Wuxuu yidhi war sow kumaadan hoyan, haybta Magan sheegta
Waxaan idhi dadkaa igu hafraye, waan ka soo hadhaye
Awoowoow dhaqaaqdaye hadaad, saaka naga dhoofto
Baabuurkan dhaylayn haduu, kula dhawaateeyo
Biro laysku dhaabiyo alwaax dhigan, hadaad raacdo
Haka dhicin nin kii dheeliyaa, dhimasho weeyaane
Dhanna ha u liicin guradiisa waa, lagu dhawaadaaye
Hadii aad dhul kii nabad tagtiyo, dhagaxa Ceelxaara
Dhammaan reerihii igu salaam, ma aha dheeldheele
Dhashii Muxumed-gaas waxaad tidhaah, dhimirra laawooyin
Dhagax iyo sidii geed ingagay, dhaga adkaadooyin
Waakii inoo dhaamin jiray, dhamacda jiilaale
Dhafandhoofka guuraha wax badan, dhiiranaan socoye
Dheeraad badhkiin baa lahaa, waadse dhagarteene
Inaan dhabarka xaabada ku guro, waysku dhibayaaye
Dhuuxaa madaw inuu yahay baddii, dhaadhacsii nimanka
Xamar dhalasho noogama horrayn, cid aanu dhawraaye
Dhawr kii wan loxos kiiba way, naga dhamaadeene
Ka soo dhoofay gabadhii axadiga, dhigani noo yiile
Dhayal ma aha wiil aadan, arag dhalashadiisiiye
Ana dhawr sabaan maanan arag, dhaban wadaad leeye
In xaas kaygii dhiibaal ku jiro, dhaadhacsii nimanka
Qurbac yahow hadaan kuu waramo, ima qaniinteene
Qalka kama tufteen caanahaan, qaado leeyahaye
Illaahii wax qayb qaybin jiray, kuuma qiil le’e
Kol uu adiga qow kaa ridoo, nolosha kaa qaado
Ku qabow wuxuu Eebahay, kuu qoraad heliye
Ragankada ableeydiyo dabkiyo, uustarada haysta
Ee kala ufoonay a ee, kala al-oolaysan
Nin waliba ina-adeerkii ayuu, eega leeyahay e
Eel kaana naagaa dhigiyo, aahadoo idil e
Ushaa loo ruxaa naag haday, ooridaa tahaye
Adigoo umashan baa laga baxaa, oynan ku ogayne
Allaahu akbar yaa sidii, oday la taahaaye
Awoodeeda naag lagu fasaxay, waaba la ogaane
Arqab iyo xigaal iyo tolbay, kaa agdaydayiye
Meel aan Islaam joogin bay, kula abbaartaaye
Midkii uurka kula jiifsaday, kaa igdhahayaane
Midkii ina-adeerkaa ah bay, amar la laacdaaye
Ushaa loo ruxaa naag haday, ooridaa tahay e
Adigoo umashan baa laga baxaa, oynan ku ogayne
Allaahu akbar yaa sidii, oday la taahaaye
Awoodeeda naag lagu fasaxay, waaba la ogaane
Hayin aada qaar baa ahoo, haamo daadsha ahe
Qaarbay sidii faras hayin ah, haga hageeyaane
Intay idinka idin haynayeen, hoogba ma ahayne
War maad hooy tidhaahdaan ragbay, horari doonaane
Axmadoow kacaantaye hadaad, kor u hayaamayso
Kudaagii xumaa iyo hadaad, koorre nabad gaadho
Adigu soo kacdaa iyo qalyare, soo kalihisaaba
War intaanan soo kicin ii keen, koorihii faraska
Kuman aabo kumannaan awoow, kuman ayeeyooyin
Abtirkeenu meeshuu mariyo, Xaawo iyo Aadan
Istalaab caruur lagu sharixi, waa inoo ugub e
Afrikaa iigu filan gaal haduu, aayo leeyahay e
Asagoo cirbiid loo ritiga cududu waynaatay
Asagoon cabaadayn hadii ciida lagu miiso
Waan guursan iyo waan guuri, goorwalbaba taagan
Xaggay gabadhu iman waa kanoo, gacalkii eedoowye
Geeljiroow ninkii waafiyaa, laga sugaa weedhe
Walbahaarka caawa i hayee, wahantay laabtaydu
War ninkii war iga donayoow, waa war li’idaaye
Waayahan asluub iyo ma arag, waydodaan jiraye
Alloow yaa Wardheer iigu kaca, waaga barigiisa
Alloow yaa wadada Toomo iyo, waraq ku raad gooya
Alloow yaa waaxba waax ii jaroo, wiillal iga yeela
Be First to Comment