- Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
- …
- Caammadu waxay moodayaan curasho dayreede
- Cilmi Felegga way garan raggii caalimka ahaaye
- Anigaase moorada cakiran kuu caddayn kara’e
- Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyow’e
- Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirkii soo dhaafye
- Carruuraha la dhacay awliyada laga cadhaysiiyey
- Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
- Caawaa la kala soocayaa caabud iyo gaal’e
- Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
- Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
- Ciil buu u dhiman Ina Cigaal coobadaa gubane
- Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
- Inay curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
- Ceeryaamo subaxeed nin nool curadka roob moodye
- Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
- Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin’e
- Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

Cirsan ka yeedh (1969)
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment