- Dadka wada dhashay een lahayn diirnax iyo xeebad
- Labada uurka soo dabataye daacad kala wayday
- Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?
- Daaraha kiraysane gabdhaha lagu dembaysiiyo
- Oo biilka laga doonayaa waa darxumo wayne
- Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?
- Darmaanaha waraabaha digliyo daalacay haadka
- Dameeraha la bari siinayiyo diiftan Xamar qaayib
- Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane?
- Naagahan dafiray kii qabee diiday gurigooda
- Oo wada dareerayee nin kale doontay lacagtiisa
- Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?
- Qarshigaan dirsaday saaka ee dooc i tari waayey
- Ee duubka neef ariya iyo daasad bixi waayey
- Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane?
- Hadday dunidu kheyr leedahay oo la isu daynaayo
- Dadkii Xaawo laga uumay iyo duudkii Nebi Aadan
- Derajada kuwii loo dhalaan laga dereersheene
- Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo
- Doqon iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane
- Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin
Amiin yaa Ilaahii
Be First to Comment