The largest online collection of Somali poetry
Gabaygani wuxuu ku saabsan yahay nabadaynta ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu yidhi:
-
Maanasada waxaan ku allifaa, idam Illaahaye
-
Haddii uunan Alluhu ii sahlayn, eray ma sheegeene
-
Inkastoon awow iyo abiyo oday, kasoo gaadhay
-
Mawjad igu agtaallaa jirtiyo, badaan idlaanayne
-
Masooo oodmo anigaaban rabin, hawl abwaanimo e
-
Ayaamahaan shucuuraysnahaan, gabayga oogaaye
-
Hadbana arimahaan doonayaan, ku anba qaadaaye
-
Waxaanan ugu adeegtaa sidii, aalad xoog badane
-
Albaabkaan ku liishaamo yuu, eber ka siiyaaye
-
Inshaa Allaahu goortaan ku daro, eenan ka iloobin
-
Ilaahay waxaan ka baryo, wuu iga ajiibaaye
-
Islaamkana wax uguma dhimiyo, eed nimaan galine
-
Inta badana diintiyo xaqaan, ku ijtihaadaaye
-
Aslaaxu-beyna-naasiyo ducaan, ku Alla tuugaaye
-
Umaddana wixii horumarlaan, ugu tilmaamaaye
-
Waxba arartu yey ila durkine, waxaan kusoo duubay
-
Ujeeddada murtida aan rabaan, idin ogeysiine
-
Samaawaadka Eebbahay markuu, udub la’aan taagay
-
Arladana ka dhigay gogosha, aan ku istareexayno
-
Buurahana tiir lagu adkayn, Eebbe uga yeelay
-
Dunidana badaha wada anfacay, Rabbi iraadeeyey
-
Een in laga adeegtiyo sakhiray, doonyo ku ordaaya
-
Ee laga ugaadhsado kalluun, Eebbe barakeeyey
-
Istiraatijina laga dhigay ee, aadmigu u aayo
-
Hooyo uur ku qaadiyo isagoon, aabbo laga beerin
-
Nebi aadan Dhoobada markuu, Eebbe ka abuuray
-
Ee Xaawo feedhiisa bidix, laga ahaysiiyey
-
Aqala looga dhigay ee la yidhi, abid ku noolaada
-
Malaa’igta Illaahay markii, amarka uu siiyey
-
U sujuuda goortuu ku yidhi, ani addoonkayga
-
Ibleyskii kibirku dhumiyeybaa, diiday amarkiiye
-
Intii kalana Eebbaha xaqa ah, yey wada addeeceene
-
Sidaa aawadeed yuu Ibleys, naar u iishadaye
-
Hooyo uur ku qaadiyo isagoon, aabbo laga beerin
-
Nebi Aadan dhoobada markuu, Eebe ka abuuray
-
Ee Xaawo feedhiisa bidix laga haysiiyey
-
Ee uu jannada uduga badan, ku istareexsiiyey
-
Aqalla looga dhigay ee la yidhi, abid ku noolaada
-
Malaa’igta Ilaahay markii, amarka uu siiyey
-
U sujuuda goortuu ku yidhi, ani adoonkayga
-
Iblayskii kibirkuu uu dhumiyey baa, diiday amarkiiye
-
Intii kalana Eebaha xaqa ah yey, wada adeeceene
-
Sidaa aawadeed yuu Ibleys, naar u iishadaye
-
Ibleyskii khasaaray oo colaad, aadmiga u qaaday
-
Arrimihii Ilaah daaya yidhi, ugu ammaan beene
-
Goortuu ibleys dhaar u maray, toos u aamine e
-
Amarkii markaasay jabsheen, Eebbahay faraye
-
Ilaahay markuu hoobta yidhi ee, arlada keenay
-
Ambadkii la kala dhumiyey yey, ka anfariireene
-
Iyagoo is deydayahayoo, kala ugaadhoobay
-
Kulankoodii Eebbahay haddana, dib u iraadeeye
-
Awlaad mataaniyo intuu, Eebbe taransiiyey
-
Aadmiga batee qaaradaha, iniba meel taalo
-
Afrikaan madow iyo caddaan, midab idaylkiiba
-
Aadan iyo Xaawaa dhaloo, waan ogsoonahaye
-
Iskhilaaf dhaqana baa jiriyo diin la aaminaye
-
Iyo luuqadaha kala anbaday, lay af garanwaaye
-
Farqiyada irdaha ina dhexdhigay, waa arrimahaase
-
Dawlado il-baxay baa dabeed, qaar addoonsadaye
-
Aalad lagu hormaray baa jirtiyo, xoog itaal badane
-
Aarmi iyo dhaqaaliyo hubbaa, loo adeegsadaye
-
Iskaadh iyo qunbuladiyo haddaan, kaare lagu aarsan
-
Aasiya, Amerikiyo Yurub Waarso idilkeedba
-
Afrikaanka laga faanayaa, kamay adkaadeene
-
Shan dawlaa adduunkii xukuma, oo adeegsada e
-
Awood Fiito oo lagu qasbay, ku isticmaalaana
-
Dawladdaan ka amar qaadan way, ula-qalweeyaane
-
Sidii ubad la dhalay yey dabeed, edeb u siiyaane
-
Arrimahaa wixii sababay yaan , idin ogeysiine
-
Nagama aabo fiicnee raggaa, amar-ku-taagleeyey
-
Awoowyadoodii dhalay bawga tagay, xeer asaasiya e
-
Aano iyo qabiil bay naceen, ina-adeer sheege
-
Iskhilaaf bulshada qeybiyay hog, ku abaaseene
-
Iskaashiyo midnimo horumarley, ku intifaaceene
-
Ilo-dhaqaale xoog lagu tabcay, u ololeeyeene
-
Ujeeddaday rabeen yey markaa, ku istareexeene
-
Sidaas aawadeed yey heleen, guul itaal badane
-
Inaguna wxaaan eednay baan, daba ordaynaaye
-
Arrimihii dib-dhaca keenay baan, weli unkaynaaye
-
Inta aan anaa reer hebel ah, isagu faanayno
-
Ololaha qabiilkana shacbiga, loo abaabulayo
-
Ha eegina inaan horumarroo, guul la aawilo e
-
Qabyaalada uf buu yidhi Rasuulkii, la aaminaye
-
Umaad qeybsan howsheeda yaan, abid hagaagayne
-
In qabiilku uu Aydhis yahay, cudur wax aafeeya
-
Soomaalida ifsaadkii dhexmaray, saynu soo aragnay
-
Inan iyo abtigii baa is dilay oo, aaminkii dhimaye
-
Tan ebyaye mid kale oon rabaan, idin ogeysiine
-
Ugaasyiyo suldaaniyo wax-garad, odayadeenoo dhan
-
Ururkii haweenkiyo bulshada, idil ahaanteedba
-
Ummadii ma jiro reer ka maqan, saydun aragtaane
-
Arrin lagu midoobaan rabnaa, oon ergo u nahaye
-
Islaamkuna ismaqal iyo taluu, ku intifaacaaye
-
ISkhilaafna waa waxa nabaday, aaya xumadaase
-
Waalidna duulka amardiiday waa, laga irdhoobaaye
-
Ummaddeeni oo idil haddii, Eebbahay ururshay
-
Afkaar inaan wadaagnaa inagay, na anfacaysaaye
-
Maantay israaciyo midnimo, noo ekoontahaye
-
Aqbal keen noqdoo wixii figrad ah, bixiya aaraa’da
-
Nabaddana ayida taladan waad, ku aflaxaysaane
-
Tan ebyaye mid kale oon rabaan, idin ogeysiine
-
Arartiyo tusaalaha murtida waxaan, usoo oogay
-
Indheer-garadka Soomaalidiyo wixii, abwaan sheegta
-
Xigmadduu Ilaahay na baray, iyo afwaahdeenne
-
Ummaddeena waa inaan maslaxo, ugu adeegnaaye
-
Oon wacyi-galin ayaan iyo habee, ku ijtihaadnaaye
-
Abshir guulla nabad taamahoo, udubka loo taaggo
-
Ubaadkiyo shacbigu waa inay, ku istareexaane
-
Aayatiinka nolo fiican waa inaan, abuuraaye
-
Arligeena waa inaan dhisniyo, eeriyada guude
-
Ilduufkii dorraad nagu dhacay ee eelka nagu reebay
-
Urugada qabiilkii na baday ee, iradhada keenay
-
Inshaa Allaahu waa inaan haddeer, dhab u ilownaaye
-
Axdi iyo kitaab koloo laysmarsado, aamin lagu gaadho
-
Ummadyahay midnimo ku arrinsada, eedde baladiiye
-
Soomaalidu ideylkeedba waa, ul iyo diirkeede
-
Arqabiyo xigaal weeye iyo, oday caruurtiiye
-
Waa isu abtiyo seeddi iyo, reer awow dhalaye
-
Anaa reer amiir iyo qabiil, aynu wada aasno
-
Asluubtiyo dhaqankaan lahayn, aynu wada eegno
-
Eray godob leh yaan laysku odhan, eedna la xambaarsan
-
Aflagaado yaan qolana qolo, laysku iimaynin
-
Isku dhaca qabiilkana maslaxad, waano ku adkeeya
-
Ibleyska uga diga iyo colaad, urugo weyn keenta
-
Eebaha awooda leh intaan raacno, amarkiisa
-
Axadkii wax dila toogta waa, aayad diiniya’he
-
Uur fayoobi beeluhu markaa, yey is aaminiye
-
Mooryaanta iimaanka la’a iyo, deydeyga ordaaya
-
Danbigeena oo ururay yey, ka dhex abuurmeene
-
Jeeroo Allaha laga cabsado oo, diinta la adkeeyo
-
Udgoonoow rasuulkana sunaha, raacno amarkiisa
-
Dulli ina asiibiyo dhibkani, abado weeyaane
-
Idaylkeen intaan toobadkeen, eebbahay barino
-
Aayadaha qur’aankiyo sunahaan, ku aflaxaynaaye
-
Xaqoo lagu adkaadiyo nabadna, galiya uurkiina
-
Oo yaan israac iyo midnimo, abid la moogaanin
Be First to Comment