Press "Enter" to skip to content

Maxamed Aadan Caws (Yawle)

The largest online collection of Somali poetry

  • Irdhaa galay raggii Weerarow, idinku oodnaaye

  • Afartaa garyahan bay qabteen, sida ugaadheede

  • Abtirsiinyadii geedka iyo, anafadii joogtey

  • U adkeysan meynaa la yidhi, aabbe yuu dhalaye

  • Laba Muuse ubaxii cuntoo, aaran baa hadhaye

  • Haddaan abaar lagu salidin, kama imaadeene

  • Udubkayga kama soo rareen, Eexo iyo Cayne

  • Agoonta ooma keeneen raggii, aabbahood dilaye

  • Isaxaaq wuxuu ununufaa, uur-ku-taallade

  • Bal eegoo afmeer bay galbeed, uga arooraane

  • Markay idin arkaan geelashaa, uubka loo ridiye

  • Awal raace MuuseCabdallana, odayadoodiiye

  • Waa aawadiin waxa ku furey, Awdal iyo Sheekhe

  • Hadduu gu’gu Aboorrey ka da’o, ma arki doontaane

  • Bah-dhulbahante ubaxaa ka badan, eedda loo dhimaye

  • Inta ooryahoodi laga qaaday baan, la ashqaraaraaye

  • Maxaa inan adhxaha lagaga jabay, aabi lagu toogtay

  • Waxay Ededan ugu meerayaan, amase Oodweyne

  • Allaa igu oge kuma aaminsana, laba ayaamoode

  • Ayaan kaliya waa tii Gunbuur, oodda loo rogaye

  • Axmaarana sidaa Reer Cigaal, uma ataakteene

  • Nimankii ajalay baad tihiin, Aw-Cabdiyo Nuure

  • Illaa ay dhawaan urursadeen, awr ma soo tu’ine

  • Afgubato sidii Reer Xuseen, loogu wada aasay

  • Indhahay ka meermeeriyaan, urur aad joogtaane

  • Hadduu inan ka hadho iga walleyn, idin illaaweyne

  • Ugaadh Cumar sidey uga qaxeen, awrta Reer Sugulle

  • Ergo laguma siin geelashaad wada afuufteene

  • Waxay unufka ugu meerayaan, uur ku taallada e

  • Iddaraysna waa kuwaa, sikaday ugubadoodiiye

  • Abokor iyo Rooble waad, ku adyadooteene

  • Bal maxay u aaneynayeen, odaygi Ceel Beyle

  • Afka Boqorle iyo Tuuyo iyo, idhamadaa Baarcad

  • Sidi adhi tadcaareed raggii, laguu idleynaayey

  • Iman meyso Habar-yoonistaad, u alwaneysaane

  • Ooho kuma xasilo geel haddii, aar u soo dhaco e

  • Arrinkaad waddaan Reer Xirsow, aayatiin ma lehe

  • Eebada shisheeyuhuba, way idin asqaysiine

  • Iman mayso Habar-Yoonistaad, u alwanaysaane

  • Ammaana Alla waydiin bannaan, labada oofoode

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r