- Abshirow micnaha gabay haddaad mid iga weydiisey
- wiilyohow madluunbaan ahaa maalin iyo leyle
- intaas waan mugleeyahay sidii gorayadii muune
- Mas la diley sidiisaan madaxa meerinahayaaye
- Sideydana waxaan maaganahay waa wax kaa maqane
- Magliga daabo maahane si kale hay maleynina
- Adduunyadan maraabeysay oo murugtey ee xiintay
- Ee uu Mareexaan u kacay waa masala weyne
- Gardarradaas mutuxan waa dagaal waxaan ka miisaaye
- Maruuryoodayeey xalay miyaan miray caloosheyda
- Muskii layga soo galay miyaa dhaxani mowleysay
- Goortaan wax milicsaday miyaan cadho madoobaadey
- Midigta iyo bidixdii miyaa midiba meel aaddey
- Markabkaan ku tiirsaday miyaa meeshii laga qaaday
- Maxamuud Saleebaan miyaa marada loo taagey
- Mililkiyo hurgumadii miyaa uurka igu miirmay
- Sidii aar mudi ahaa miyaan micida soofeystay
- Ma inaan colaad maamulay dani i moodsiisey
- Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye
- Sidii miraha Doocaan ka baxa muudsey aadmiguye
- Nin waliba wuxuu mihindisaa inuu magawshaaye
- Agoon maalki laga qaadayoo meel kastaba jooga
- Mareykaanka naagaha xidhee madaxa loo saaray
- Oo mudanayaashii jeclaa mawdka laga yeelay
- Dadku mowdka waa iska ogyohoo maalikbaw qoraye
- Meydka iyo raqdoodii miyaa laga dul maansooday
- Sidii waxaan muslin aheyn miyaa muxubbo loo laayey
- Madficii iyo rasaastii miyaa meel kastaba gaadhey
- Kulli midhaha Daarood miyaa keen isugu miirmay
- Ma kuwii aan hartiga moodayaa soo mashxaradaayey
- Maangaab Dhulbahanta ah miyaa nagu malaabeeyey
- Mergi-kuusyadii hore miyaa muruqa noo tuujey
- Mahanniga Ogaadeen miyaw mabay xumaanteenna
- Warsangeliga maahee dadkii mayna wada meershey
- Inkastoy bahnimo muujiyeen sooma mayl bixine
- Malkadaan ka sugayiyo may iman mooshin kaan rabaye
- Haddey ficil maqiiqaan warmuhu nama muquunsheene
- Macag iyo manaa bay idaha, kaga macaasshaane
- Macna ineeyan noo tarin miyaa meesha ka caddaatay
- Iidoor marduuf qaada helay waa majnuun falane
- Hilib maraq leh iyo roodhigey miisanahayaan
- Macnaha dowladnimo leedahayba uma muraadaane
- Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malafleeye
- Mudafkiisu waa kii dugaag maalin weyn cunaye
- Maskaxdiisii waa tii tukaha looga dhigay miile
- Nabadbay macaansanahayaan wawse maan li’iye
- Wallee ama magaalada Berbera dhiiggu mulacyeeye
- Ama sida mawaashiga ratiga mayr lagu saarye
- Hawiye meel uu joogaba dagaal weyska maanacaye
- Maankaba ka jare raganimaan meel ka soo geliye
- Maaraha Siyaad baa ka dhigay maata caanalehe
- Abgaal oo mihiigaan ka badan jaraha loo miiqye
- Mudanihii Gabayruu ka diley oo mar soo baxa’e
- Waxay talo ku goosteen inay moxogga diidhaane
- Habargidirta mudugjoota ee maashu wada soocday
- Ee layska maamulanahayoo deyrka lagu meershey
- Ee sida halah maydabta ah layska maalaayo
- Iyaba mahadhada waa qabaan ceeb muggooda ahe
- Murursade iyo Cayr iyo haddii Sacad la miireystay
- Marna iney maya oran kareyn kama maleeneynin
- Hadalka hayga moodina inaannu maaran waa nahaye
- Sidaan maanta nahay yaan la oran laga milroonaaye
- Maruunbaannu mowjada xirmiyo maayad soo kicine
- Nabsigaan mugdiga gudahayaa maruun heleynaaye
- Caruuraha maryaadaya iyo Dumarka mowleeyey
- Maruunbaa marwada Maxamed qabo noqon masaalkoode
- Maruunbaa mid lagu meel maro iyo maahir noo kiciye
- Maruunbaa rag wada miiggan miiddi soo bixiye
- Maruunbaa madhada Caabudwaaq miig ku soo degine
- Ninkii tiisa maamulan karaa kuu muraad falahe
- Magaalooyiyo lama martiyo lebiyo meygaage
- Bal inaad idinku naga maarataan wax is moodsiiya
- Afartaas intaan miin ka deyey meel ma qabadsiiyey
- Ragbaa gabayga meermeeriyee marindhac maw diidey
- Macna kale waa hadal yar aan meesha kala yeele
- Maraweyntii reer Cumar ahayd meher xalaaleeye
- Midguhuba ma yeeleen waxay madaxa saareene
- Aw Muuse gabayguu marshaa meesha soo galaye
- Waxba yaan micna la’aan xarago suuqa lay marine
- Waxba yaan matoobi iyo shaal lay mardaadine
- Waxba yaan dad mudan baannu nahay lay maqmaqashiine
- Haddaad geel mulki ah leedohoo xero u maageerto
- Mareerkiyo galoolkiyo haddey magacley daaqeyso
- Oo kuraygu muraha u sidoo maraq u dheesaayo
- Ninkii maagistaada iyo fidmada muhashadeed haysta
- Haddii uu martabbadaadi hore sax u maleyn waayo?
- Marka hore midbuu kaa qalaa muunad loo dhaline
- Murre haddey dhadhami weydo iyo dacar la soo miiray
- Oo uu raggii maali jiray soo mur bixi waayo
- Muluf iyo haddey wada mohollibiin tuunsan
- Doqontii maldahan hawga biqin maayal dirireede
- Mar labaad rogaal weereraa lagu mayiiraa
- Oo muqalladoodii rag kale garabka meershaa’e
- Cabdulqaadir bay maraqsadeen maalin duhukiiye
- Mishingaanku goortuu dardaray mahad ma moogeyne
- Macaan dhereg la’yahay ceebtu waa meheraddiiniiye
- Nimankii middida saaray baa meel la hurudeene
- Ood waliba maamuus salaan ugu mihiibteene
- Inaad diini magantiis tihiin idinma moodeyne
- Dabadeedna muurmuursigii lagugu meydhaanye
- Toban iyo toddoba madax ah oo uuskii laga maaxshey
- Is maxamuudintiinaas xun baa loo makaabsadaye
- Mahwigii xalwiyo laga tuur malawgi dheeraaye
- Cirro inuusan meel roon ka dhalan waw makshuuf qabaye
- Magac ba’aye Ciisaan lahaa way mitidayaane
- Cismaankii is maahuurin jirey malihi beenowye
- Haddii muran dhexmaro reer tolkood ways mutuxiyaane
- Goortey shisheeyaha mutaan reer marti xumooyin
- Raggi shaaribbada miiqi jirey waa makaan dumaye
- Waa taad majeerteen yaryare nagu magacowdeene
- Murti haddaad la haydeen wax tara lagu muquuneeye
- Ibraahiinno milanbay qabaan mur iyo deeqaabe
- Moortaayihii shalay ku dhacay lagu mahlaakeeye
- Ulud dheer middii lagu dhiftay doc ula miiqmeene
- Mottarkii shirshooruhu markuu kor u muquufaayey
- Allaaba waa gargaar meel maraa ugu miciintaane
- Goortii la mariyaa kalgacal wada maqsuudeene
- Ninba maalinbaa loogu iman maxastadiisiiye
- Qoladay markaas haysataa kaga maqnaateene
- Xasidnimada maarowdey waydiin macaantahaye
- Mahwiga Cali saleebaan haddaan mirar ka faaleeyo
- Waa niman mallay inay gurtaan maanka kaga taalle
- Waa niman aan ficil muujin karin maalin lays galaye
- Iyagoo malyuun iyo malyuun mira saruu dhaafay
- Waa niman masaakiin yaryara lagu masaalaa
- Waa niman micnaha ay wataan lala mashquulaa
- Waa niman mucaarad iyo toos aan midna ahayne
- Waa niman aan meelna uga jirin miis rag leeyahaye
- Malagii walaalkii nin jecel murugo waw kowe
- Ragga lagu malkhadayaa waa mahurtadiinniiye
-
Maruun inaad is deydaan way kaa madowdahaye
-
Mataraariyaha lagu furaa keligood moodeene
- Goorti mir iyo mayrac iyo malabsi loo laysto
-
Inaad adigu marax keyda tahay wayska moogtahaye
-
Muusiyo Ismaaciil bahdood kama masuugaane
- Mar haddey makaabbada jebshaan maara laga waaye
-
Magli kugu dhegayey sidiis wax u maroorshaane
-
Marse haddan kor u qayliyoo mirar u yeeryeero
- Moxorkii jeceeleed haddii firimbi mawleeyo
-
Haddii aan magaalada qandala oohin ku ag meero
-
Madaxyada walwaaleed haddii belo muluufaanto
- Ceelkii mareegsane haddii qiiqu mulufleeyo
-
Marsabadiyo xeebaha haddii laysu mariwaayo
-
Maskantii haweenkiyo haddaan marashi dheer qaato
- Madal laysu soo baxay haddaan muusanaw kiciyo
-
Waxaan maanka ku hayaa inuu maata doox dhicine
-
Annagoo makiinada laliyo moodhar ku ordeyna
- Oo caradu naga muuqataa mowqifkii imane
- Eebbow waxaan maagganahay yaa maslixidoonna

Khaliif Sheekh Maxamuud
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment