The largest online collection of Somali poetry
- Godkii aakhiree lagugu riday jeer uunbaan galiye
- Naxariis gu weynbaan Rabigay kuu galiinsaday
- Aw Yuusuf gabaygii ahaa guur aan ka laaado
- Gabdhihii markaa joogay eed diiday gogoshooda
- Gefefkiyo tilmaamihii cadaa iid ku gali waydey
- Hadaad maanta goob joogi layd kama gidaadeene
- Geeraarka adigoon maqlayn kaagi garab yaala
- Cimrigiyo gabdhaha aan wakhtigan isku soo gaadhay
- Aniguna intaan uga gabaday geed aan ka idhaahdo
- Gablan iyo inaan ubad dhalaa wey gudboon tahaye
- Madaxayga guudkaad cirada galayax moodaaye
- Gabowgii waxaa iiga hadhay dhowr guyoo kale
- Guumays waxa iga dhigoo doobka igu gaaxshay
- Een dumar qaar uga gabaday geed aan ka idhaahdo
- Guduud iyo adoon qurux hurayn gaari aad xulatay
- Beri hore gayaan iyo kufbaa wada gudboonaaye
- Geelana midii qaayibtaa loo gunayn jiraye
- Intii aan bacow gaadan laa golo ku joog fiican
- Mar haday gar dhalad wada noqdeen guur aan ka la’aado
- Caadadii la gooyaaba waa geeri iyo ceebe
- Guudkii badnaa iyo tintii gelefka aad mooday
- Ee guur ninkii doonayaa muuqa garanaayey
- Garoob iyo midii reerle iyo taan la guri gaysan
- Gamboolay haday wada noqdeen guur aan ka la’aado
- Gaabsiga xishoodkiyo midaan edebtu soo gaadhin
- Ee maro guntiimaysatee gibilka qaar muuqdo
- Ee naasku inuu giigsan yahay wiilka gelinsiisa
- Markay wada gabraartaan intaan goyn lahaa madaxa
- Ana geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado
- Goobatada habaynkii gudeen goor walbaba joogsan
- Gasiiriyo midii aan Jimcaha geedka laga waayin
- Ee ina-rag kii nini wataa raaco gacanteeda
- Marna tii aan gaagixin hadii gorofka loo qaado
- Intay gaadhi iga raaci layd guur aan ka la’aado
- Geerashkiyo midii xeer taqaan qaadka gurigiisa
- Gogoshiyo falaasyadii midii kala dhex gowdiida
- Ee jaa’ifada loo guree lagu habayn guuro
- Ee labo gundoodoo nin kale galan galcaynaysa
- Intay galab rag kale ii keeni layd guur aan ka la’aado
- Garab rarato, meel kuma gabada, guura bahaleeya
- Sida igadh gandaalkeed la sido niman ku gaaf meera
- Gurashada sigaarkiyo shaxaad gees walba u baydha
- Markaa googo’ kii siinayaba gacalsatee raaca
- Waabaayaday gurubsataa taasuyee guur aan ka la’aado
- Ta cidiyaha aan gurin tintana gaabisee madhisa
- Goodaado beer dheer aan cunin dheefta gurigooda
- Gidaarada habaynkoo badh tegey wiil garbaha haysa
- Gorayada surwaalka leh midaan ruux u garan waayey
- Xidin-xiitadaa aan gam’ayn guur aan ka la la’aado
- Gunuus badan had iyo jeer gurxama deriska guul-guula
- Garba qaawan wiinbaar gashada gogol ma loo doona
- Gagabsiga yar mooyee marnaba guurka ma xusuusta
- Dhaylada midaa loo gadee awlal kaga goysa
- Xuurtaa aan hamuun goynahayn guur aan ka la’aado
- Ta aqoonta loo gado baree garasho loo yeelo
- Cilmigaa asaageedu gayo tii la garansiiyo
- Gargaariyo markii reer tashigi gacal ka eegaayey
- Hadii ay quraarado gashoo gaalo la ciyaarto
- Gablan bay adoogeed ka tahay laguma goohaane
- Cadho waalid bay galabsatee guur aan ka la’aado
- Garoob maal leh oo dhawr sacaad waabka soo gelisay
- Oo guri cariishiyo dukaan ganacsatee haysa
- Caanaha gadhoodhka ah ninkay gelin dhexaad siiso
- Noloshiisa anigow garlay guul ka dhigataaye
- Intii lay guhaadayn lahaa guur aan ka la’aado
- Mida guursatee guriga lee gabanadii tuurta
- Ee baladka gaashgaashisee gaatin soconaysa
- Ee goor qaboona ah baxdee godadka fiidmeerta
- Guuguulka waa lagu yaqaan raro-gubyood ka ahe
- Intay ubadka gaasiri lahayd guur aan ka la’aado
- Ta gugeedu weyn yajay asee gaanisada dheesha
- Een da’deed la gooshinee gurbaysnimo kufaanaysa
- Googoradda bowdada ka maqan xaluska giirgiiran
- Waa cudur nasoo galay asii aan la garanayne
- Gimrigeedii taa gabawartana guur aan ka la’aado
- Ta jacaylka gaadada u sudhan meel walbaba gaysa
- Ee dhawr nin guubaabisee laxawga gaadhsiisa
- Adaan gooni kuu ahay waxay kugu garaacdaaba
- Markaad labada daarood gaftay kaa xamaan guran e
- Dumaashiday intaan gocon lahaa guur aan ka la’aado
- Midda ganaca weyn lee ibtilo aasha loo galiyey
- Ee nabar la gaadhsiiyey iyo garac lasoo dhooftay
- Ee gabanka aabihiina tidhi waygu gacan saydhay
- Indha gudhay dhafoorada gotaad taa ku garataaye
- Ceebteedu ima soo gashee guur aan ka la’aado
- Guunyada middii aabaheed lagu galiimaysto
- Waxay gocato taan waayinoo gaajo wali taaban
- Ee gacanta maal ugu jiroo gaadhi dheer wadata
- Nin qudhaad u gaar tahay yaan ruuxna galinayne
- Intaan gaws libaax gali lahaa guur aan ka la’aado
- Guddoonkaygii goortaan intaa gacan-togaaleeyay
- Oon waliba soo gaabiyoo qaar u gali waayey
- Gogol iyo sariir aan lahayn gaari raaliyo ah
- Inaan galangalceeyaa tashiga iiga gow yidhiye
- Maxaa kula gudboonaan lahaa taniba waa goor e
Be First to Comment