Abwaanku wuxuu gabaygan tiriyey sanadkii 2000 wuxuuna kaga hadlayey maslaxad raadinta ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ku bilaabay:
-
Allayahoow macbuud baa tahiyo, maaligii jiraye
-
Waxaad maagto adigaan Rabbiyow, ciddi majiirayne
-
Dhulkoo magad ah oon daaq lahayn, meel wax laga goosto
-
Markuu mayeygu dhawr jeer helee, daadku mulacyeeyo
-
Adaa doog madow iyo caleen, maalmo soo bixine
-
Cagaar mulaya dhikil maqasha qarin, maanyo hamashowday
-
Midho curdana ubax kala midaba, muunad lala yaabo
-
Millicsiga il-doogsiga arlada, oo laga maqsuudaayo
-
Muska caano lagu daadiyiyo, maalka oo dararsan
-
Malyuumaad nimco ah oo aan ciddi, tiro ku meegaarin
-
Martabiyo aqoon iyo derajo, maamulkii dunida
-
Ku manaysay Aadmiga Rabbow, waana mahaddaaye
-
Allahayoow Macbuud tahay iyo, Maaligii jiraye
-
Waxaad maagto adigaan Rabbow, ciddi majiirayne
-
Muraadkaygu waa nabad codsigaan, maansada u tirine
-
Soomaalidii mulkiday dawladii, magaca weyn gaadhay
-
Qaran mida markay wada dhisteen, oo meel u wada jeeda
-
Kacaankiina uu midho dhalay oo, waayo lays mahadshay
-
Mashaariicda iyo horumarkii, maal waxay tabacday
-
Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye
-
Muraad-seegga hadafkoodii lumay, murugo weyn keenye
-
Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene
-
Soomaalida Allayahow midee, ooy isu macaanaato
-
Bulshada oo midoon qeybsanayn, meella wada taala
-
Oon maanka lagu hayn colaad, madaxa lays gooyo
-
Khilaaf madax dhexmaray kici shacbiga, laysna maan-dhaafye
-
Masiibadii dheacdiyo weerarkii reerba, reer madhiyey
-
Isma mahadin Soomaalidii, maanka fududeyde
-
Mariid bay la kala kulantay iyo, mur iyo waabeye
-
Meydkoodii haaddaa nacdoo, mirey dugaagiiye
-
Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye
-
Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene
-
Soomaalida Allahayow midee, Maalig baa tahaye
-
Midabkiisa calankii samada, lagu mataalaayey
-
Xiddigtii macnaha loogu dhigay ee, meesha kaga tiilley
-
Midowgiyo afgaradkii jiree, lagu mataanoobay
-
Mustaqbalka waxay damacsanayd, dawlad magac weyne
-
Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye
-
Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene
-
Soomaalida Allahayow midee, Maalig baa tahaye
-
Muqshiyo Hargaysiyo Hobyiyo, meeshi Balad Xaawo
-
Mushtarkaa u kala gooshi jiray, meel kastuu rabo e
-
Moodharadu ma kala joogsan jirin, maalin iyo leyle
-
Nabad lagu mushaaxaa jirtay oon, ciddi ku maagayne
-
Malyuumaadyo lacagoo la sido, tuug ma mohanayne
-
Haddana ruuxii mara waxaaba dili, beliyo mooryaane
-
Muslimiintii axad tobon kun sida, meel u kici waaye
-
Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye
-
Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene
-
Soomaalida Allahayow midee, Maalig baa tahaye
-
Ismoodsiiskii hore eey qabeen, malihii beenowye
-
Balaayada mar-furatay een la helin, weli wax maareeya
-
Maati dooxii dhacay tobanka sano, iyo meydka farahiisa
-
Mashaakilka nacaa sii kordhiyo, mahadhadaa ceebta
-
Mashaqada xalkeedii lumee, laysna mari waayey
-
Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene
-
Kibirkiina meel uu ka baxay, mooyi laba waaye
-
Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye
-
Soomaalida Allahayow midee, ooy isu macaanaato
-
Ha midowdo Maxamed yidhi, waayo lagu moodye
-
Muddo badan mushkiladiyo colaadihii, la moogaaday
-
Qabiil waliba muruq buu is biday, qalabna meeleeye
-
Makalaha markii la is jaray eey, muudsadeen dacarta
-
Reer reer muquunina karaa, meeshii laga waaye
-
Qolo guul mulkiday ma ayna jirin, muruqna beenowye
-
Murugo iyo cadaab waxaan ahayn, lama macaashayne
-
Mid qabiil ku faaniyo midkii, madax ku doonaayey
-
Midna waxay damceen uma hirgalin, oo daaye murankiiye
-
Nabad inay macaan tahay hadday, maanka ku hayaane
-
Maalintay qabiil aamineen mowdku, ka adeegye
-
Soomaalida Allahayoow midee, Maalig baa tahaye
-
Muraad adiga oo u kacay oo ka tagay, madasha reerkaaga
-
Maalin iyo adoon laba habeyn arag, miciin ruuxa ah
-
Harraad kugu marraa’iyo adoo, baahi mucurtaysan
-
Reero aadan macriifaba u qabin, magacna sheegaynin
-
Wan weyn buu ninkaad soo martido maalintaa qaliye
-
Maamuusta dhaqankiyo isagoo, amagaca dhawraaya
-
Maxaad deyi kartaa buu ku odhan, maalin iyo leyle
-
Kaasoo miidhan raggii kala diley, mahayin sow ma aha?
-
Soomaali waa qoys is mudan, kalana maarmayne
-
Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene
-
Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye
-
Soomaalida Allahayow midee, ooy isu macaanaato
-
Waa dad diin mid ah leh iyo af qudha, oo mataano ahe
-
Midab iyo degaaniyo dhaqanba, waysku meel wudha e
-
Haddana waa qaraabo isku maran, jiidh midaa dhalaye
-
Soomaalidu waxay kala mudnayd, laga madoobeeye
-
Majaraha Ibleys baw hayee, la isma maageene
-
Maskaxdoodi maandooriyaa helay, mindhaaleeye
-
Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye
-
Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene
-
Soomaalida Allahayow midee, Maalig baa tahaye
-
Abaar magad ah adigoo ka tagay, oo meel kale u doolay
-
Soomaali madal ay degtood, maalmo ku nagaato
-
Adoo maalku kaa ooman yahay, oon yeel markaa wadanin
-
Oo aadan macruufiyo aqoon, magac qof sheegaynin
-
Ceel ma’wiya markii aad timaad, reer kastood mudato
-
Barbaar muruqyo weyn bay ku siin, oo maalka kuu shubiye
-
Macaa yeel inay kuu huraan, oo midig lagaa saaro
-
Maalkoodii oo oomanbay kaaga, miga siine
-
Gobonimo macaan weeye oo, laysku maamulo e
-
Soomaali waa qoys ismudan, kalana maarmayne
-
Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye
-
Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene
-
Soomaalida Allahayow midee, ooy isu macaanaato
-
Ma macaashin nimankii, colaadii maqooradaye
-
Mana helin muraadkii, waxay muhindisaayeene
-
Masiibaday dhigeen iyagoo dhiig, kuwada maydhay
-
Muraad seegga waxa ooga daran, meesha ay tagiye
-
Danbigoodii midhuhuu dhalay, malabsan doonaane
-
Midkii dhintay mutaysigii cadaab, muudsaduu galiye
-
Midka noolna murugo iyo cabsibuu, maanka ku hayaaye
-
Maalintuu dhintana Jahanabaa, moolka loo galine
-
Macbuudkoon adoomaha dulmayn, ayaa marin abaalkiiye
-
Macaankaa nabadda ruuxii nacaba, marin-habow qaadye
-
Meel-kadhaca gafkii ay faleen ayaa, madal usii yaalle
-
Mashaakilkay abuureen dhibkiyo, mahadhaduu reebay
-
Anoon tiro ku meegari karin aan, midhadh ka faalleeyo
-
Malyuumaad la diley oon lahayn, magiyo dhiig toona
-
Malyuumaad hantidii laga dhacoo, fara madoobaaday
-
Malyuumaad laxaad beelayoon, ciddi masruufaynin
-
Malyuumaad qaxooti u mudh baxay, oo dunida meeraysa
-
Malyuumaad mushaar qaadan jiray, oo wada miskiinoobay
-
Malyuumaad agoon iyo rajo ahoo, waalidkood dubitay Mooryaantu
-
Iyo qaar ku muluqsiibtay doon, oo mawjad ay sababtay
-
Oo hirar ku maanshoobay oon, mid laga haynin
-
Iyo qaar mucsira oo ahaa, madax la qiimeeyo
-
Iyo wixii marwiyo gabadh kufsiga, lagu madiixaayey
-
Intaa nimankii maamulay iyo badh aan, meesha laga sheegin
-
Eebaha macbuudkaa yaqaan, meesha uu marine
-
Masiibooyinkaa soo dhacay eey, mudatay Soomaali
-
Macnaha iyo ujeedadaan ka rabo, yaan m eesha ka cadayne
-
Waa inaan maslaxad ku dhaqano oon, xumaha maarayno
-
Waa inaan macaankeeda nabad, ciddina moogaanin
-
Waa inaan ma kala maaranee dhab, u midownaaye
-
Waa in layska soo wada masaxo murankii reer-reere
-
Maatideena waa inaan qabiil, maanka loo galine
-
Waa inhadda mashquulkii jahliga. layska maanaco e
-
Mustaqbalka tacliin waa inay, ubadku maalaane
-
Maslaxadiyo heshiis baa bulshooy, maanta noo dahane
-
Kuwii hore halkii ay mareen, dib uga maantaaga
-
Muddo badan qabiilkaan wadneen, meel ku tagi waynay
-
Martabo iyo wanaag laguma helin, waad ku madhateene
-
Labada marinba ina seejiyoo, mooyi saa nahaye
-
Meeshii Eydhiskuu galay qabiil, maaro lagu waaye
-
Go’aan mid ah intaad qaadataan, maanta dabar-gooya
-
Magacood jir reer hebel nacoo, wadajir meelaysta
-
Macbuudkeena caabuda xaqaa, noo martaba roone
-
Murtida iyo tusaalaha anoo, meelo badan taabtay
-
Xigmaddan meersan iyo waanadaba, galiya maankiina
-
Midnimiyo walaalnimo runiyo, mawqif wada yeesha
-
Midigtana ku suga nabaddu waa, lagama maarmaane
-
Midigtana ku suga nabaddu waa, shey macaan badane
Be First to Comment