Ingiriis dalkiisii mudhxay oo, cunay magoolkiisa Isagoo masaafira haddaan, subax ka miidaanshey Oo lagu mintiday waw dhamayn, minawarkaan fuullay
Maskab kama dhaxline wiilal baa, helay macaankiiye Kun nin baa martabadii u hadhay, ama muluugtiiye Inta kale mus ood laga rogtey, meerayaan dibade
Sidii baan Marqaafa u sitaa, ama Mareykaane Sidii baan mankaar lagu gubtay, iyo milic u joogaaye Sidii baan maqaar ugu gam’aa, meel la ii dhigaye
Sidii baan madaal dheri karshiyo, rodol u miistaaye Sidii baan macaash ugu gataa, harag miciinkiise Sidii baan midhaha uga gurtaa, madaxa toomoode
Sidii baan u macaluushanahay, oo mud dhuubanahay Sidii baan minjaha ugu socdaa, moodhar liidiiye Sidii baan mawaashiga hayaan, ugu maqiiqaaye
Sidii baan martida caana qudha, ugu macsuumaaye Sidii baan tacliin uga madhnahay, machadkii diimeede Sidii baan macruufka u sugaa, macallinkiisiiye
Sidii baan madow ugu jiraa, maato iyo ruuxe Sidii baan xafiis meel fog ii jira, ugu muctaadaaye Haddii laba nin oo wada Muslima, madaxda loo geeyo
Sidii baa guddiga loo maraa, wax u masaynayne Sidii baa miskiin tulu leh, looga marayaaye Kuwo midabka Soomaali uun, lagu malaynaayo
Sidii buu kiniin uga mutaa, maralka jiifaaye Sidii buu Rumaan ugu mudhxaa, kii maxbuus ahiye Sidii buu dalkii naga maqnaa, muran u joogaaye
Marsadii jabuutaanba weli, soo mihiib kicine Sidii baa sharcigu mayd uu yahay, marwa lahayne Haddii dumar maxaajabad ahaa, milicsi loo diido
Iminkey dharkoodoo mil mila, suuqa marayaane Miidaanka noogama baqaan, mana mastuurtaane Muqdishaba horteed waa dhaqneyn, marag Illaahaaye
Isagaa maqsuuda ee wax kale, looma maamuline Bal muxuu micneeyoo na taray, ministarkaan doortay? Af uun malaba shicibkii haddii, lagu mashaysiiyey
Oo aan muraadba u qumayn, mooye say noqone Waa nala madaarshaynayaa, tan iyo maantiiye Mahdigii naloo sheegay iyo, malihi beenowye
Manqaa lagu sabaa had iyo jeer, muugga dhalanteede Hadba waxaan maqallaa boqol malyuun, waa macaawina’e Maalkii arladaa loo qabtiyo, meeday lacagtiina?
Mooskada ragga u duulayaa, maylka tirinaaya Goormay waxay muujiyeen, lagu manaafici? Ma mardaadi baa socodka aan, miiqna loo qabaneyn?
Sow riigna noogama mudaan, madasha Buuhoodle Bal intee muddaa oo sugnaa, maaxda imanaysa? Bal maxaase hay muuqatee, marada loo qaatey?
Mukhlis iyo haddaan lagu shaqeyn orod maleegnaana Ma xiniin yahay moodayaan muunad nala saaray Ma naftiina maara u qabtaa nimanka loo miiray
Maasha iyo haddii aan miilka saro malow miyey fuuli Ma mucaarid baan ahay hadaan xaqa ka maansooday Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay
Be First to Comment