1) Guuguulayahoow haddaad gu’ga u ooyeysid 2) Haddaad mooddey keligaa in uu gubayo jiilaalku 3) Ama aad gabooyaha ku madhan gama’ la diidayso 4) Giddigood addoomaha waxaa gaadhey nabar weyne 5) Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo Gaatamoo kale e 6) Gartaa ma aha keligaa indaad gaar u cabataaye 7) Guumeys cirro leh baan ahee waar aan ku gaadhsiiyo
8) Geelii adduunka u adkaa gobo’ la weydowye 9) Golihii ka kici waa raggii geydho hayn jiraye 10 Tuuladuu il gabadh-leynayaa gobol barbaarkiiye 11) Hadduuna timirtan goob dhigi lahaa jiingaday geline 12) Nina uma gargaareen haddaan gaadhka laga hayne 13) Gumburigii badhbaa joogsadiyo gorayo-cawshiiye 14) Saryankii garbaha weyn lahaa goob ka kici waaye 15) Waxa goonidaaqii habsaday gubaddadii Hawde 16) Garanuugta iyo deeradii gaag yar baa hadhaye 17) Gobey iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye 18) Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene 19) Kama guuxo aargoonlihii geliga toomoode 20) Shabeelkii gabraar lagu idlee Giiro layn jiraye 21) Oo godadkii kama soo ciyaan gabanadiisiiye 22) Hargihiisa nimankii gataa guuldarra u sidaye 23) Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii madhaye 24) Ahminkii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye 25) Goggii subagga laga dhoobi jirey haatan gorofowye 26) Basaas baa timihii kala go’een gaaridii dumare 27) Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax moodaaye 28) Neef kama gurxamo dooxadii garada fiicnayde 30) Garoowe iyo Bookh baa qaar harraad u go’ayaane 31) Gocondho iyo daal bay qabaan garow la’aaneede 32) Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye 33) Gubniyaa hareeraha ka galay gaadhiyaal wada e 34) Geedihii sun baa loogu daray geerina u badaye 35) Wax ma galabsannine maalin baa loo guddoonsadaye 36) Galowga iyo fiintii naf bay giida la hayaane 37) Gurxankiyo cabaadkiyo haddaad gooha demin weydo 38) Adigaaba lagu gaadayaa gooshkan dabadeede 39) Gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane
Be First to Comment