Wax Alla wuxuu ku maagay garan mayno, wuxuuse Qaasim gabaygan ku mucaaraday Dawladii Aadan Cadde, Allaha u naxariistee, oo uu lee yahay waa mahad Alla mar haddii ay dhacday. Waxay u eg tahay qabyaalad iyo aniga qoyskaygu muu taliyo oo kursiga fuulo waxaan ahayn inuusan ku eedaynin.
- Niyad baan u ledayaa hurdada naasir Naxaroow’e
- Nabdigaan ka soo jeedi jirey noogayoo dhacaye
- Nasashada darteed baad indhaha Nadarka yaabtaaye
- Naxligii Caloosha iyo bogsade nabarradeediiye
- Naxariistu waa naca kufriga nidar galkeediiye
- Neecaw qaboow iyo dabayl naafaclaa timiye
- Nabad iyo Naq roob baa beddelay Nayla-Jaliyiiye
- Nacabkii Ilaah naga kaxee naaqiska ahaaye
- Nasiib baannu leenahay haddaan Aadan soo noqonne
- Niidii xareedbaa ka timid Naannida ahayde
- Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh nugul ka soo doogye
- Nataaqadi na gaadhiyo lugtii nalaga naafeeyey
- Waxa Nacalla-qabihii na baday waa ka noollahaye
- Nabsigii wax badan loo dhursugay nacasti soo gaadhye
- Nooleba mar uun buu samaha Nacam yidhaahdaaye
- Noolaatay yidi-diiladii Naxashka saarrayde
- Mar haddii ninkii geyey kursiga nabadgelyuu fuulay
- Nimcadiyo sow mahad-naq uun lagu negaan maayo
Be First to Comment