1.Baashow daliil gabay ma jiro, nin igu doorshaaye
2.Halka dooyna laga naadiyaan, duunka weriyaaye
3.Dux markaan ka garan waayey, baan daayey waayahane
4.Kol baan diririyaa sidi cirkoo, da’ kaliilaaye
5.Xaluun baan digiriyey sidii, wadaad diin u haajiraye
6.Dabuubtaan la yeedhana Rabbaa, duusha weligeede
7.Waa daabac aan go’in midkaan, duco bilaabaaye
8.Daadxoorta iyo mawjaddaan, kala dabbaalaayo
9.Dacartaan wadnuhu hayn karayn, daari feedhaha e
10.Waa daafi yaridii horee, aan idin deeqsiiyo
11.Dibna waxaan u idhi xaajo, waa dux iyo hawraare
12.Reer Faaraxeer kala durkee, kala duddeynaaya
13.Aan uu Ducaale iyo Seed, ha igu diideene
14.Duugeeda belo wuu helaa, nin u dadaalaaye
15.Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha
16.Dunjiga Nuux Ismaaciil tashiga, daaha laga saarye
17.Deegaa Reer Axmedi wiilashii, timirta diiqaayey
18.Xasandabadna reer Jaamicii, kala dabayl raacye
19.Aroos dama damaashaad iyo naas, daawashada geedka
20.Dibna hadal ka yimid baa cag-geel, loogu daw galaye
21.Deelqaaf fagaaraa Iblays, kugu dukhuulaaye
22.Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha
23.Dalaalkuu laqwiyey Reer Shirdoon, danafsigii eedye
24.Dalanbaabigii Dhamal wuxuu damac, lahaa leefye
25.Bah-Godabiirsi danab baa ku dhacay, dimishigii goofe
26.Nin darraad lumiyo naagihii, dulube ooyaaye
27.Reer Geeddigii dibada maray, daadi amarkiiye
28.Nimanyhaow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha
29.Reer Sugulle dakhar wiil yar baw, sidey dubaaqdiiye
30.Waa taa degmada laysku furey, dabadi looyaane
31.Dulmi hadduu qabsaday Eebaheen, daayinaa jire e
32.Dubaaqii qabriga hawgu turo, dabaqi naareede
33.Dummadii Xirsuu saaran yahay, Dubur raggii yiile
34.Doolaabadii boqor hadduu, damacsanaa weeye
35.Dabar qaaday Reer Diiriyihi, damaca waallaaye
36.Duudsuu ku dhacay ina Ammaan, dib-u-heshiintiiye
37.Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe
38.Reer Cali-garaa isugu darraa, dil iyo qoomaale
39.Dekenidii qabaalkii raggii, dumiyey qoomeeye
40.Waa dawri Buuhoodlahey, dir u lahaayeene
41.Waayadanba dabataa fadhiday, daalinoo col ehe
42.Durba waranka waysugu dhaqsaday, dooxanaa madhane
43.Ma degdego nin dirirtii ogaa, dooxadii Garabe
44.Ku dibsade Daboolan iyo Cadey, danabadii yiile
45.Dabkuu Aadan shidey Ina Gallaydh, durugsigii waaye
46.Danbarkeeda dhaxal xaajaduu, doortay Reer Gorode
47.Nin dardaarankii Cumar hayaa, mudanihiis daaye
48.Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe
49.Ararsame dulmaa kala qabsaday, dirirti caymeede
50.Daaroodba maqal xaajadii, daahirka ahayde
51.Dubku hadduu ku nixi Reer Wacays, deleb shixii raacye
52.Tuka lagama dadin wiilaashii, wada daboollaaye
53.Ma duugine sidii bay lafuhu, dibad u yaalliine
54.Daris waxaa aqbalay reerihii, dawladda ahaaye
55.Markuu sheekh cilmiga daakiraa, fiqi duceeyaaye
56.Diinta wadaad kama aflaxo, xaqa ka doodaaye
57.Koley deeradiyo cawsha tahay, doqontu waa quuse
58.Iyana waa isdoontaan kolkay, kala dibboodaane
59.Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha e
60.Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe
61.Dayax soo iftiimiyo qofkaad, dahabka moodeysay
62.Wax Dallaayad laysugu rogmaday, darabka saarraaye
63.Jeerow dabriyo lays markaday, dooyo iyo weerar
64.Cali diid halkaan maalintaa, dawga ku ahayne
65.Daaqiyada mawdkii dhadhami, wuu duraansadaye
66.Bah Idiris ma dayin Reer Jibriil, digasho loolkiiye
67.Ninna Faarax kama daawo gelin, xaalki loo dilaye
68.Dugaag baa hirqaday feedhihii, darabta weynaaye
69.Col dareeray duukiyo lalabo, dirayo sheydaanku
70.Danabaysiga nimankii badnaa, duraha jiilaalka
71.Dawriyaha Reer Muusihii, dad u itaal sheegtay
72.Daleelii wareeg baa la dhigay, duco qabeenkiiye
73.Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, duinda jeedaasha
74.La dalleensay Nuux Maxamedkii, idinku deyrraaye
75.Daaraha la ridey sura madow, dumarka ooyaayey
76.Dugayeyda naagaha hablaha, dibadda meeraaya
77.Haddaan dayey dayaca Reer Barrow, daran ammuurtaase
78.Warsow kama diqootaan ilmada, dibiqle guudkooda
79.Dalki waxa xukuma Reer Warsame, dixida weynaaye
80.Imankay degmada soo fureen, daranti tiigeete
81.Duddo reerka loo dhigay haddii, Dagel la waaheelo
82.Duleedkaa mus laga joojiyaa, dibadda dhowree e
83.Ragna mudanihiisa saw dugsiya, dah iyo gaashaane
84.Meeshii dalleenaa libaax, degi ka eegtaaye
85.Magacna waa diboo dhalashadii, loo demeli waaye
86.Ayaan idin diqdiqin waano, aan durina aafeyne
87.Danba kama leh Reer Faaraxaan, docoginnaayaaye
88.Wax balaayo lagu diimiyaa, duul ku waajibay
89.Colkan Habar-Jeclada loo dudi, daw kalow furane
90.Allow yaa caruurahan durdurin, kala dillaameeye
Be First to Comment