Press "Enter" to skip to content

Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiidh)

 
Iyadoo lagu jiro xilli xasaasi ah oo ay siyaasadda dalka Soomaaliya isku hayaan Maxaakiimta

Islaamiga ah iyo dawladda ku meelgaadhka ah, ayaan isbaddalka jira ka tiriyey gabay aan

ugu magac daray Mas’uul: 

-Indhawayd masaladiisa gabay, maanka kuma hayne

-Marsaduu lahaa iyo haddaan, milaygi joognaaye

-Bal aan mariyo maantoo kaluu, muuno leeyahaye 

-Maxaakiimtu waa khayr ku yimid, mowle idankiiye

-Dad midiidin laga yeesho iyo, ma aha maydhaane

-Inay nacabka maar ula tagaan, kama mildhaawaane

-Alla magane waa geesiyaal, soo maqaam kacaye

-Mugdigay ka saareen xaqii, maahirka ahaaye

-Milgihiyo waxay soo cesheen, magaci Soomaale

-Mulki iyo dadweynaha kuwii, maasba uga dhaartay

-Agoonta iyo maatida kuwii, dhacayey maalkooda

-Nimankii sidii aar maqtala, dhiigga miranaayay

-Nimankii maroorsaday tashiga, ee maslaxa diiday

-Nimankii walaalkooda mudan, mayllinka u qaatay

-Masaakiinta nimankii makalay, aad u macaluushan 

-Mabda'ii gumaysiga kuwii, nagula meeraayay

-Muddo badan kuwii laga la'aa, nabad ku maansooda

-Masas bay eryeen iyo dugaag, miiqay aadmiga e 

-Waa Niman makaankay tagaan, laga macaashaaye

-Waa niman nahyiga maanacoo, khayrka maamula e

-Waa niman mas'uul wada ahoo, loo muraad qabaye

-Nabaddii middida raacday bay, midho u beereene

-Beentii mataanaha dhashay, dhinac u mooseene

-Inaan nahay maqaar iyo hashii, oon la kala maarmin

-Oo aan dariiq wada marnay, soo mudhbixiyeene

-Murti iyo waxaan madhax lahayn, kuma mashquulaane

-Macnahay wataan waa bulshadu, inay midowdaaye

-Oo aan qabiil la isu madhin, maanta dabadeede

-Madfac kama baqaan iyo Axmaar, mootar uu ridaye

-Masheekhdiyo shabaabkaa kacee, meel kastaba gaadhay

-Allahayoow adaa Maaligee, xooji midigtooda

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r