Ladnaantiyo nimcadu uunka way wada luggoyaane Lixdan anigoo jira tashiga laydha iga raacye Iminkaan ladhkiisii hurdada led iska waayaaye Nimankaan lo’daydii casayd laanta ugu duugey Nimankaan dukaamada lukiyan laba laba u siiyey Wax la liqiyo xoolaba ragaan uga laxaad yeelay Ee lacagta jeebka ugu guray lohonlohii caydha Hadday aniga leebkiyo warmaha ii lisanayaane Ma liibaanihii Diiriyaa loox u daabacaye Waxba nimaan lilleyneynin bay luuqadi raaceene Waatay laciinkii maqleen laababka lahaaye Lafayariyo Caaraan wixii ku lumiyey i deyneyne Kal laxiina baan leeyihiyo laabta xuunshadae Laxawsiga xigtada lay geshiyo limibsigaan eegay Waa waxu rag igu laacayaa laxam dhaqaaqaaye Markuu sidii lubiga qaawanaa ee leylka soconaayey Eed luqufka qoodhaha dameer lulaya moodeysey Haddii aan lingaxo oon qalbiga lahashada u diido Oo aanan luunkaba ka rogin lur ima gaadheene Inkastooy ladaadyada baruur laqanyo daacayso Leg ninkii siiyey bay dishaa liidda doqoneede Wax Laasima nin liitiyo haween laaxinkood badaye Libgad iyo abaalxumona waa ‘law’ u gooniyahe Afar, labo, lix goor buu sidaa iiga loogsadaye Mar uun igama liibansannee way ladaabsadaye Haddaan maalintii hore lurriyo lur ima gaadheene Alla labiyo-toban jeer miyay liidnimo i raacday

Maxamed Nuur Fadal
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment