Gabaygan la baxay Olol Reema wuxuu abwaanku ugu jawaabayey nin Isaaq ah oo la yidhaahdo Cali Banfis oo gabayo dhowr ah oo uu Soomaali oo dhan ku aflagaadeeyey tiriyey. Gabayadaa beydad ka mid ah waxaad ku arki kartaa dhamaadka Olol Reema. Daroodku waxay kaga jawaabeen gabayadii Cali Banfis saddex gabay, intaan anigu ogahay. Laba gabay waxaa tiriyeyYuusuf Colaad. Markii uu waanidii iyo wax u sheegii Yuusuf qaadan waayey Cali Banfis af-xumadiina uu joojin waayey ayuu Makayte ooda kaga qaaday gabaygan oo aadna u dheer af-dhabaandhaw iyo aamusna ku riday Cali Banfis. Wuxuu yidhi Makayte:
1.War gabaygu waa awow iyo ab iyo, oday kasoogaadhe
2.Ninkii ila-qalwayn moodayayow, waa umuur culuse
3.Ilaha Faafaneed buu ka helay, aarkii diidsadaye??
4.Kolkuu Raage uugaamiyuu, Maaxnaoogsadaye
5.
6.Aniguna ishaartii ku helay, inaan idhaahdaaye
7.Unkad iyo hilaac baygu dhacay, uuro iyo roobe
8.Illo soo wada fakaday, eega la i moodye
9.Ilaaq iyo saleeliyo ma galo, aadba kurayeyne
10.Abwaankiyo ninkii shaacir ehee, odhanba mooyaane
11.Waa waxaan amaah lagu helayn, iibna lagu waaye
12.
13.Hayeeshee waxaa aamusoon, amug ahaadaaba
14.Indhahayga waxaan duubo oon, dib u ilkaadaaba
15.Arin ugub ah waxaan fiiriyoon, uurka celiyaaba
16.Unkad gabaygu feedhaha, wuxuu iihda ka hayaaba
17.
18.Sidii igadh saleelaba waxaan, inamo diidaaba
19.Ilkaha iyo waxaan miciyihii, iriq ka siiyaaba
20.Siddii aar libaax waxaan dibanaha, kala ilaalshaaba
21.Ardaagii naxwuhu ii fadhiyey, waxaan ilaaqaaba
22.Ogol diidan maansada waxaan, ku ag wareegaaba
23.Obabka iyo kulaylaha waxaan, orod ku jiidhaaba
24.Ishaaradu siday tahay waxaan, u anba qaadaaba
25.Adkaysiga waxaan badiyo oon, urugo reemaaba
26.Ururka iyo Sugraa ii waramay, xalay alleylkiiye
27.Sidaa aawadeed gabayganaan, soo awaajiyeye
28.
29.Ujeedada murtidu daaran tahay, waa in la arkaaye
30.Aqoonyahan waxaa loo ogaa, ubaxa Daroode
31.Agafaaradii iyo hadday, adhi-jirtii heestay
32.Awr dabar la’aan dhacay libaax, aano waw yahaye
33.Ey waliba maansada hadduu, nagu ataagaayo
34.Olol Reema waa inaan tirshaa, uubo kala jeexe
35.
36.Ha la aamusee……………………
37.Adin-dheere iyo bii’em waa, inaan istaadhaaye
38.Olyatiibadaan maaganahay, amarka la i siiyey
39.Abaartaan la rabo waa inaan, eber ka siiyaaye
40.Argagixiso waa inaan ku rido, nimanka Iidoore
41.
42.Uluuf iyo uluuf iyo lag xaraf, ararta suugaan ah
43.Oo lala irkago waa inaan, anigu sheegaaye
44.Taariikhda laga soo askumo, Aadan iyo Xaawo
45.Asaxaabihi diinta ee, odhan ogaa sowdka
46.Anbiyaaladii iyo dhamaan, awliyada oo dhan
47.Intii dhimitay iyo uumiyaha, eega waxa jooga
48.Awaw iyo adeer aabo, iyo aniyo xigaalo
49.Abtirsiintu way soo ahayd, abidankeediiye
50.Ninba meel unbuu kaga aadan yahay, kuna arooraaye
51.Iidoorigaa iidooridii, inantu noo keentay
52.Awr-jiraalihii soo gabyayow, erayadaad baantay
53.
54.Awow, Reer Aw, Absame Kuumadiyo, ubaxa Darood ah
55.Ariirow Aboow iyo Hawiye, eega Gadabuursi
56.Oromo iyo Reer Adari iyo, Ayka iyo Ciise
57.Af kastaba ha lagu kala hadlee, idilka Soomaali
58.Ummadaa asiiliga ahee, adiga kaa fiican
59.Af-lagaadadaad wadar ahaan, ooda kaga qaaday
60.
61.Anshax xumadaad soo dirtiyo, aana kala sheega
62.Umuur aanan filaynin baad, ku andacooteene
63.Nacii uurka kuu jiifay buu, xaday afkaagiiye
64.Iidha kaa khasaartaad lahayd, waa laguu odhane
65.
66.Aqalada Tindheer iyo hadaad, ehelka diidayso
67.Idinkoo abaal nagu qabaa, la arki doonaaye
68.Inaad akhasu-naas tahay horaan, kuu aqoon jiraye
69.Waa inan-gumeed caadadii, erayadaadiiye
70.Ku ogaaday oo waan arkaa, alamba’aagiiye
71.Adi iyo ayeydaaba waad, edeb daraydeene
72.Bal in aabahaa iyo la gubo, adiga ruuxaaga
73.Uruurshaha Kacaankiyo maxaa, odayga kuu geeyay
74.
75.War ma ubuxuu kuu beeray baa, ku anfici waayey?
76.Ma ilayskuu kuu galiyey baad, aayar shidan wayday?
77.Islaaxa iyo nabadii miyaad, eeday tidhi maanta?
78.
79.Anbataye bal aan kuu fasiro, ammanda’aagiiye
80.Oomanaha jiilaaladii, lagugu aafeeyay
81.Abaartii Ilaahay in badan, adhaxda kaa saaray
82.Ee adhiyo geeliyo lo’diyo, ubadka kaa laysay
83.Idinkoo ashqaran oo biyooy, na ag wareegaaya
84.Inan baabad naga siin jirteen, awrka dhaanka ahe
85.
86.Abidkiin abaal mana gashaan, mana awoodaane
87.Nin abeeso koriyaan wanaag, dib ugu aayeyne
88.Ammaankii hadduu kaaga daray, adi laguu yeelay
89.Olol iyo dab waa inaad lugaha, aad u galisaane
90.
91.Ergi iyo dhunkaal xoolahaan, iligta saarayne
92.Idinkuna abuurkaad sidaa, uga ekaateene
93.Asaaskiinii hore meel xunbaad, ka ildhabaysaane
94.Afaraydii hiirtalay markuu, amarku kuu geeyey
95…..
96.Asal iyo nin farac kuu yaqaan, oo og dhaladkaaga
97.Oo kuu abtirin baan ehee, maqal odhaahdayda
98.Abasiiniyiin baad tihiin, ehel Xabuusheede
99.Ayaamuhuba kala fiican iyo, aayadaha diine
100.Alamtara kuwii lagu akhriyey, idinka weeyaane
101.
102. Arday waliba sheekhiisa waa, la af yaqaanaaye
103. Ilmuhuna wixii jira mar bay, dhab u inshaaraane
104. Marbay ununusaan ooy gartaan, iinku suu yahaye
105. Iidoor Af-Dhogor waa waxay, kuu odoraseene
106.
107. Astaamaha idiin gaar ahee, Eebe idin saaray
108.Waa eber dabadan aan badhyaba, loo umaamadine
109.Waa ugaadhsanaantan aad miskaha, ka ibtilowdeene
110.Iyo inantan baas eed ragguun, la hor ordaysaane
111.
112.Toban aabe iyo toban awoow meesha iyo, toban ayeeyadba
113.Amaan qudha hadaad leedihiin, ma odhan waayeene
114.Idinkaa asaagiin ka hadhay, oo iblays galaye
115.Adoontii Muqlaad inaad tihiin, ma inkiraysaane??
116.Sidaa aawadeed ani hadhow, iguma oydaane
117.
118.Anbataye bal aan kuu fasiro, amanda’aagiiye
119.Aga iyo haddee waa naxwaha, udub-dhexaadkiiye
120.Iminka iyo naw iyo dhaga, awda iyo shiida
121.Af-Soomaaligaba laguma qorin, erayadiiniiye
122.Islaanimada iyo diinta aan, ku istareexayno
123.Ma ogolidin oo meel kalaad, u indha taagtaane
124.Malaa’igaha Ilaahay khalqaye, amarka soo qaatay
125.Idinkoon arkayn maqalkiibaad, ku adyadayseene
126.Udgoonow Rasuulkiina, waad ka anfariirteene
127.Allana waxaad u caydaan siddii, uu adoon yahaye
128.
129.Sayid Maxamed baa idin ogaa, ab iyo sii raace
130.Gabay idin asiibaa jiroo, odayo sheegeene
131.Idinkaa ajada miirta iyo, uuska xoolaha e
132.Wax intaa ka daran baa jiroon, idin ogaysiine
133.
134.Shanta qaaradood ee askuman, gaal iyo Islaanba
135.Addreeska meeshaad gashaan, uunku falanqeeye
136.Adoonkii Ubuur baydin dhalay, luga agaafoowe
137.Ilayska iyo haddii aanu nahay, ubaxa Darood ah
138.Amiiro iyo inaan boqoro nahay, waad ogsoontahaye
139.Aalkolaystayahow miidhan ee, laysu soo uruurshay
140.Inaad aamusnaatiyo haddii, edeb lagaa waayey
141.Waagoo iftiimaan gacmaha, ciddi ku owdayne
142.Uuj iyo amaajuujkii aad, adigu sheegaysay
143.Ayixii dushaaduu dhamaan, aarmi ku hayaaye
144.
145.Otomaatik bay wada sitaan, aalad xoog badane
146.Ayaan gaadhi maysaan hadday, idin ataagaane
147.Inaad na uqubaysaan unbaan, ka istixyoonaaye
148.Wallaydaan aroor iyo habayn, nala ahaateene
149.
150.Ha yeeshee ninkii kuu arxama, ma ogolaataane
151.Waayadan asxaankii unbaad, umal ka qaadeene
152.Orgiyahow adoo waalidii, alamba duulaaya
153.Aar miciyo dhaadheer adaa, galay afkiisiiye
154.Adhaxdiyo hadduu kaaga dagay, oofta feedhaha e
155.Haddaad ee’ataan sida riyaha, kaa aqbali maayo
156.
157.Ergadaad hadhow soo dirtaan, kaa aqbali maayo
158.Araare iyo seedow i bixi, kaa aqbali maayo
159.Abtiyaal miyaad waalateen, kaa aqbali maayo
160.Waar miyeyna inantii ku dhalin, kaa aqbali maayo
161.
162.Oon iyo haraad baan qabaa, kaa aqbali maayo
163.Arqabo iyo xigaalaan ahayn, kaa aqbali maayo
164.Uubato iyo qaliyo hayaay, kaa aqbali maayo
165.Adhigaan idiin qali ogaa, kaa aqbali maayo
166.Odayadaan idiin toobi jiray, kaa aqbali maayo
167.Ummul baan xamaali u ahaa, kaa aqbali maayo
168.
169.Ashahaado aydaan saxayn, kaa aqbali maayo
170.Eedaankan aydaan sugayn, kaa aqbali maayo
171.Sidii eyro geel oo kaliil, awrka lagu qooqshay
172.Haddaad soo amaar-goojisaan, kaa aqbali maayo
173.
174.Aqalkiisa ruux gubahayoo, ololin reerkiisa
175.Waa waxaan la arag oon la maqal, idinka mooyaane
176.Ummad aydun kala qaybisaan, kaa aqbali maayo
177.Waa ul iyo dhuuxeed kuwaad, kala eryeysaaye
178.Uur hooyo laba wada galay, oo oday walaaleeyey
179.Ilma adeer inaad kala dishaan, kaa aqbali maayo
180.
181.Isticmaar jacaykiinu waa, oday kasoo gaadhe
182.Iimaankii baa idinka maqan, edebtu saarayde
183.Inaad calankan soo iibisaan, kaa aqbali maayo
184.
185.Soomaali aayaha dambiyo, urursanaanteeda
186.In gumaysi haystiyo xornimo, inuu Ilaah siiyey
187.Isu imashadoodii dhaqsaad, u arki doontaane
188.Shanta oday ilma-adeerku waa, tiir awood badane
189.Soomaalida inteedaa kaliyo, aniga Darood ah
190.Oon kala irdhaysnayni waa, mahad Ilaahaye
191.Qaranimada reerkaa inkiray, ee irdaha jeexay
192.Waa ey dharaar ciyey waxay, ku andacoodeene
193.Ilaalshimaha guud ee, cadaawaha la eegaayo
194.Alool iyo difaac dhinac walbaba, waanu ka ahaane
195.Iidoor inaan kala tashado, kaa aqbali maayo
196.
197.Tan ebayeye mid kale aan ka guro, ooda dhacameede
198.Ambaqaad labaad aan ku daro, erayadaydiiye
199.Aan istaadho miinooyinkii, aasanaan jiraye
200.Ha uugaanto maansadu wax, soo oodmi ma ahayne
201.Unkad iyo sidii roob hilaac, hayga oogsada e
202.Af-ku-dhogoradii baa kibaraye, ha iga ooyeene
203.Afar sano iyo dheeraad ilamada, ha iska duugeene
204.Alwaax iyo siddii looxya jabay, eber ha qaateene
205.Olol Reema aan tiriyo waa, uubo kala jeexe
206.
207.Aqli iyo aqoonxumo darteed, inamadii heesay
208.Ee or iyo jiib lama filaan, uunka maqashiiyey
209.Misna oobarayn kale galow, laydinku ogaaye
210.Inyar iyo in badan toona, khayr laydin ka idleeye
211.Abdayahay adduun laga gudbaad, idinku joogtaane
212.Eryaaydii dagaalkii ka dhacay, Adari guudkeeda
213.Altaleerigii iyo bii’emkii, laysku amandhaadhshay
214.Afantariga iyo kaarihii, laysku utunduunshay
215.Miigii ordaayiyo hubkii, uuradii ololashay
216.Ebyan yaa lahaayeey markii, laysku ararreentay
217.Aslaaxii Godey maalintuu, uumigu is gaadhay
218.Aarmiga markii laysku riday, ololka baaruuda
219.Injirlaydii Xabashaad markaan, adhaxda naafaynay
220.Ayale iyo markii aan Girmaba, uurta kala goynay
221.Markuu eynigiin weerarkii, ridayey Aakeyga
222.Alaabtii guryaha taalay baad, idinku boobteene
223.Bal in aydaan aaqibo lahayn, laydinka idleeyey
224.Meydkii uraayiyo bakhtigii, uubta lagu dhaafay
225.Wax agjoogay Iidoorka iyo, eyda oo qudha he
226.
227.Isticmaarkii aan laynay ee, eberka loo qaaday
228.Ilma adeeradiin oo la jaray, yaad u aragteene
229.Awr-kiraha gaal baad tihiin, abidankiiniiye
230.Oorida haween nacfina, waysla ubataane
231.Iidoor ibalays iyo kufrigu, waa ilama-adeere
232.Sidaa aawadeed naarta, waysku arki doontaane
233.
234.Tan ebayeye tu kale aan ka guro, ooda dhacameede
235.Ambaqaad labaad aan ku daro, erayadaydiiye
236.Aan istaadho miinooyinkii, aasanaan jiraye
237.Ha uugaanto maansadu wax, soo oodmi ma ahayne
238.Unkad iyo sidii roob hilaac, hayga oogsada e
239.Af-ku-dhogoradii baa kibaraye, ha iga ooyeene
240.Afar sano iyo dheeraad ilamada, ha iska duugeene
241.Alwaax iyo siddii looxya jabay, eber ha qaateene
242.Olol Reema aan tiriyo waa, uubo kala jeexe
243.
244.Aqli nimaan lahayn oo Caloow, oodan baa tahay
245.Uu’uuda iyo qayladaad, uunka maqashiisay
246.Utuntaad xasuusini tolkay, suu isu idleeyo
247.Aqbal ma aha ducadaad Ilaahay, aad ka baridaaye
248.Daarood Allow madhi intaad, ku andacoonayso
249.Naaraa-afuufyahow intaad, laba-aflaynayso
250.Awal Arab umuurtuu ku dhigay, taana ma ilowday?
251.
252.Agagaarka Laanqeyrta saad, ugu unuun beeshay
253.Aas li’ida maykii badnaa, taana ma ilowday?
254.
255.Afyare iyo Sammaa oo qudhaad, ka anfariirteene
256.Aroortay balaadh kuu galeen, taana ma ilowday?
257.
258.Sacad Muuse waa kii irkagay, ee la oofsadaye
259.Uurar-Weynta meeshii la dhigay, taana ma ilowday?
260.
261.Asaraar baqaha waa kii aad, Cobbole aadeene
262.Ummadaydun soo magan gasheen, taana ma ilowday?
263.
264.NFD irdaha Koonfureed, aagaga u jeeda
265.Isha Mudug ardaayada Nugaal, ubaxa Buuhoodle
266.Awaare ilaa iyo Hawaas, Adari guudkeeda
267.Alla mahad intaasaa abkay, aniga yaalaaye
268.Haddaad uubataysiyo haddaad, aad u gubanayso
269.Afrikada badhkeedaanu nahay, waadan na aqoone
270.Afarta koone niman kaa xiga, oo eeda kaa badiyey
271.Aqoon gaabni baa kaa hadline, ma adyadayseene
272.
273.Awoodaad ku dhici geelayaga, edanka daaqaaya
274.Atooryahow libaaxyada qabkaad, ugu ufoonayso
275.Arab baad iskaga celin lahayd, adhax-jabkiiniiye
276.
277.Ebyey uuba-jeex maansadii, aydinka ahayde
278.Soo uruurshay gabaygii ahaa, oday ka sheekeeye
279.Awalkiyo anoo aakhirkii, idin ogaysiiyey
280.Aqoontayda aan kuuu daro, erayo soo yaale
281.Adduunyada markii la khalqay, ilaa Aadan iyo Xaawo
282.In Iidoor wax soo maamulaa, muu ahaan jirine
283.Ma istaahishaan dawladnimo, laydin aamino e
284.Awal hore dadkii idin xukumay, baa idiin taline
285.Amar qaata oo yaan mar kale, eel lasoo kicinin
286.Afkiinaana ka adkaada, waa edeb daraateene
CaliXasan Adan (Cali Banfis) gabayadiisii intaan ka maqalnay waxaan kuusoo qaadaynaa beydad tusaale kuugu filan:
-
Daarood marbuu ii ahaa,mulac sidiisiiye
-
Mudug baan kasoo qaadi jiray,maydhab caga weyne
-
Milmil iyo Bulaalaba ka dhimay,muranadiiniiye
-
Geeltoosiyuhu waa Absame,galafdhabaayaaye
-
Galsha miirka iyo uuskii bay,galalafaayaane
-
Geedkii awowgood lagu dileey,garab yaxoobaane
-
Gidaaraday la wada yuururaan,gar iyo ceebayse
-
Waxay talo ku gaadheen inay,laba godleeyaane
-
Haddee yaa na gaday waa intay,garsho siisaaye
-
Dhaqaalihii godbaa looga riday,gaananaan jiaraye
-
Ayax gacan wax lagasiinayaan,ciddi wax gaadhssine
-
Guuriye Cagdheeroow hunguri,gabiyo kaa tuurye
-
Koodhkii Afweyniyola tuur,kab iyo xaarkeede
-
Kontanlihii Rashiid lagu diliyo,Kanadibaw yaale
-
Keebka iyo liishaanku waa,kama danbaystiiye
-
Dameekuba kabaalada marbuu,kabax kasiiyaaye
-
Kudkudaa u liitoo nin geed,waa ka kiciyaaye
-
Tolkayoow maxaa u kuududaan,la idin kooreeye
-
Dooxaa Hargaysaan masaal,kuugu darayaaye
-
Mareexaankii waa kaa ka dagay,labada daamoode
-
Daaradaan lahaa baa Tindheer,igula doodaaye
-
Magaaladu hadday durugtay,waa daris collaadeede
-
Iyagaa dalkoodii ka yimid,duulka soo qaxaye
-
Daaduunkan ay keenayaan,kama daweeyaane
-
Dushaa adi lagaa saarayaa,kugu danaystaane
-
Mareexaankii raamaha lahaa,reer walba u taliye
-
Rumaankii xabaalaha ka baxay,raas qudhaa cunaye
-
Raqba aarku neefkuu dilo,yuu raanka maqashiine
-
Kuruskuu rudhaayo yuu,ka kale wax uga reebaaye
-
Daarood cadkuu kala ritaa,waysla ruga gayne
-
Maanta rarada laisaarayaa,waysla ruga gayne
-
Ruugcadaadigaa haysta iyo,adiga raw raw leh3
-
Hadba calanka kiinii rahmaa,waysla ruga gayne
Be First to Comment