Press "Enter" to skip to content

Qarjac-Muudle (Jawaabtii Cabdi Iidaan)

Gabaygan wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey horraantii Siddeetamaadkii. Waxaa dhacday in xukuumadii 

Siyaad Barre ay u adkaysan wayday gabayadii qirada weynaa ee uu Cabdillaahi Macallin Dhoodaan ka soo 

lalinayey laantii Af-Soomaalka ee idaacaddihii Itoobiya. Haddaba Wuxuu taliskii Siyaad isugu yeedhay 

wixii abwaano ahaa ee markaa dalka ugu turuqyo weynaa si loogu gabyo, loona joojiyo baddii ka soo burqanaysan 

Dhoodaan oo halis galisay xukuumadii kali-talis ahayd. 

 

Wasaaraddii Warfaafinta ayaa waxay abaabushay barnaamijyo suugaaneed lagu dhalleecaynayo

 Dhoodaan dadweynahana lagu indha-duubayo. Barnaamijyadaas waxaa ku dheehnaa maansooyin ay tiriyeen 

rag door ah oo ka shaqaynayey idaacadihii Muqdishu iyo tii Hargaysa. Raggaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Iidaan 

oo uu Dhoodaan gabaygan si gooni ah ugu ridiyo.

 

Haddaba Dhoodaan isagoo nimankaa u jawaabaya, Cabdi Iidaana tusaalayaal badan siinaya, sidii caadada u ahaydna 

qaawinayana ujeedadii iyo siyaasadii iskudirka iyo iska horkeenka ku dhisnayd ee xukuumaddii Siyaad ayuu mariyey 

maansadan uu ugu magaca daray Qarjacmuudle. Wuxuu yidhi

:

 

Qalqaaliyo qandiga faaruqee, Xamar ku qawlaysan

Qaldaankii qabyada soo unkiyo, qaatil socodsiiyey

Siyaasadu qisaas lagu mutiyo, qool markay galiso

Xaqay naga qudh-qudhiyeen baan kaga qufaynaaye 

 

Dhirtase geed quwaaxii qalalan, qodob aboor yeeshay

Qabadiyo Dharkayn qolof ritiyo, Qaranri oodeeda

Qoddax taag yariyo qoofalkiyo, Qocondhiduu dayrtay

Qarjajabo Qudhaanjadu gashiyo, qori jabkuu daadshay

Quwad malaha ay kaga qabtaan, Aar ku qawdhamiye

Miyey qarin qoqobohoodu waa, Qaran gallaydaase

Qaran-qaaro nama joojisee, waa bir qalaxdaase

 

 Qod-qodeeye ka ay qasbina, haw qayilo wiige

Dawac maanso quud kaga rabaa, haw qaloombiyo'e

Dayax shan iyo tobankii qadimay, galin qarsoonaaye

Gudcur Qammah habaynkoo qafillan, qaybta fiidnimada

Iyadoo bil sii quluulatay oo, qiro yar moodaysa

Sida Qarandidii kow dheh tidhi, qammar caways kaahay

Qof la mid ah horaan ugu qadaray, ma aha qaangaadhe

 

 Ballaayada ku qamardaadsatay, moodi qayo roobe

Qasaariyo qabiiliga liqaba, dad u qushuucaaya

Ragga qoodan ee ka u qoslina, ugu qalaalaayo

Doqontaa qufici een aqoon, meeshii lagu qoomay

Ma qanciyo wax kama quustahaa, qaayo kale seegay

Ma qummani qudhayduba haddaan, kaa qallooc bida'e

 

 Qolqolada caytama sidii, qaafadii dumarka

Wax la qaab ah qoonkii shubaa, ima quseeyaane

Af-qadoodi jaariga baraan, weedhuu qaayibine

Ka qab weyni oo lama qastee, waaban quudhsadaye

Isma qabano iimana qalmaan, oo ma qayrsado'e

 

 Kuwase fadhato qawlkaan idhaa, uga qareemaaya

Ee maanta ii qorinhayaa, qaammudkood galaye

War qaash lagu wareemiyo, anoon qalab u sii doonan

Qammaan iyo siday sheegayaan, qodabadii Raage

Markaan qallimadoodii cuskaday, qoomamkaa horana

Qofka cune qadaadkiyo la raba, qowrac luquntiisa

Mindiduu qoobka kula soo baxaan, qoorta kaga goyne

 

Qarjac-muudle waysaga qadimay, qiilna waw hadhaye

Ha qaldamin qarqoorkiyo ma baran, gabayga qaydhiine

Eeggana Rag suu noo qashaye, noogu qarafaystay

Si qayaxan qayaamada guracan, maan u kala qeexo

 

Dad qayuucsanaan jiray waxay, qurubsi luudaanba

Cadho wuxuu qamiiroo wajiga, qiiqu kaga yaalba

Kolluun bay qallibantaa mardabo, ooy qumbucataaye

Soomaaliya dadkay qaxar badayee, qiiro ugu baaqday

Qandhuufooyin xaajadu ka wayn, ay qatalantaaye

Qardoofaha marooray waqood, nagu qorsheeyaane

 

Badow qarawsan bay nagu qastiyo, waray u qooshaane

Qardajiidh xaqiiqada gafay, qooq kulaa tidhiye 

Qab-qab dhaafay waa joogi jiray, tan iyo Qaabiile

Waxaanse Aadmi loo quudhin iyo, waa qamaar taniyu

 

Qurraacooyinkoodiyo sidaan, uga qammuunyoonay

Qurub-qurub anow kala dhig-dhigi, taa qotada dheere

Qabir galinta qulubaa gadiga, amase qiilqiisha

Qallaciyo Qamaanyada sankiyo, ula qalwayntooda

Quturkiyo rag nala qayr ahoow, qadaf samayntiina

Qoqobkiyo qabiilo u dhiskiyo, qoof u kala geynta

Qofna yuu qof aamininta iyo, kala qandhaysiinta

Qosolkiyo qaraami u tunkiyo, qaylo maqashiinta

 

Qar-qarsiga dushiyo qaawintiyo, qonof ku taageerka

Qoryo siinta qalalaasihiyo, qalab u soo dhiibka

Waddankii oo ay naga qaadayaan, waan idiin qabanta

Qasabkiyo qadaad riixidiyo, hadal ku qoor goynta

Qumbaan subbagga uga buuxintiyo, kaanagii qubista

 

Qaloociyo qal-qaalaha xuniyo, yay is qaabilinta

Qardadiyo dhul sii qaydashiyo, qoodh isaga yeelka

Qaxoontigiyo qoys kala rarkiyo, qaxar u soo jiidka

Qalxankiyo qallibitaanka iyo, wax isu qoondayska

Qafal xumo qawaaniin gafkiyo, kor isu qaad-qaadka

 

Qudro yari is qolofaadhintiyo, qaali baan nahayda

Qoyaaniyo qabbow sheegadkiyo, meel qorraxa jooga

Qarrafiyo qarraamaad dhankiyo, qado ku soo tuugga

Qormayntiyo qolada goosadkiyo, qaydaraan sudhadka

Iyo qaar maqnaa sheeggu waa, qayro kala boobe

 

Qottonkiyo qummani diide iyo, qiimi sharafeede

Qureec na lagu doontaana way, soo qadhaadhahaye

Qacda joogsan waydiyo qabtiyo, qawdii naga yeedhay

Qambaruursi iyo qoomamiyo, qaandhow baa xiggiye

Qurruskaad cuntiyo baaqii kale, subaxdaan kaa qaadno

Dhaqaalaha raggii nagu qabayoow, sow ku qadi maysid

Dhaqaalaha Raggaa nagu qaboow, sow la qadi mayo!!! 

Dhammaad

************************ 

Allaylehe been lama xardhee wacdaro ayaa ka raacay Cabdi Iidaan iyo raggiisiiba. 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r