The largest online collection of Somali poetry
Gabaygan oo sida midhahiisa ku cad xambaarsan murti culus wuxuu kamid ahaa gabayadii lagu qaadan jiray tacliinta dugsiyada xilligii qaranka Soomaaliya dhisnaa. Ninkii tiriyey, taariikhda gabayga, iyo inta ka maqanba waxaan kaa codsanaynaa inaad soo raadiso haddii aad heshana nala soo xidhiidho.Bowdada markii aan ka jabay iyo, boqonka taagiisaHabeenkiiba way bidhan lahaa, bahalka cawlaayeRagii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni……Ragii baarqabyada ii qalqalay, beerka ka ogsooniBah Cilaamo goortay dhamaan, igu dul booyeysayBa Sadhaysan baga inay i tidhi, beerka ka ogsooniRagii Burunji inuu igu cuno, ii bariidinayayEe aan barkale ii tarayn, beerka ka ogsooniNinkii balad shisheeye iga jiray, soona bixi waayayEe in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooniLaxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xoogguOo biixiyaha Eebahay, kay isugu beegoAbaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ahNinba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni
Be First to Comment