Press "Enter" to skip to content

Muxumed Kooshin Warfaa iyo Saahid Qamaan iyo …

Muxumed Kooshin Warfaa geel uu kasoo qaaday Reer Dalal kadibna loogu soo ergeeyey in la celiyo ayuu gabaygan ka tiriyey. Muxumed wuxuu wacad ku marayaa inaan hal qudheetihi dib uga noqonaynin. Saahid jawaabtiisii hoos ka eeg. Wuxuu yidhi:

·Haddii dhalasho laysugu dabcoo hilib wax daaweeyo

·Ama dawlad laga yaabi iyo dab iyo laandheere

·Hashaan daalaneey Dalal Ugaas shalay u deyn waayey

·Een duubigii iyo ku diley doorkii Bah Xawaadle

·Een daba-xidhkii maali jirey dib uga sii luudshay

·Dawac Reer Shirshoori hashuu iga dul nuunaasay

·Dalba-Goroyo leyeey nin lihi deeq u bixin waaye

·Duulkii lahaayoon baryaa ima daweeyeene

·Xaq ku dooni maayee hashuu damacu ii geeyey

·Allow darajo hay siin hadday dib u xawaareyso

·Waa kaan duqeygii ku xidhay dogabkii Baarjeexe

·Waa kaan ka soo degay intaan dhaar ku sii daraye

·Dibna inaanan uga laabanayn riday dalaaqdiiye

·Anigiyo Ilxaan baw darayn dirir galkeediiye

·Durkiyaay markuu Aadan Qaash nagu danuukhyeeyey

·Maxaad Roobku waa damman yahee hadalka deeqsiiya

·…

Saahid Qamaan ayaa dakanadii laga hayey dabagalay oo soo dhacdasay, markaa kadib

ayuu gabaygii Muxumed ka jawaabay oo wuxuu yidhi:

  • Abbaan duulaha colkii, ubaxa lay saaray
  • Odolkaan la kacay wiilaashaan, aaladda u qaaday
  • Godob lama ilaawee haddaan, uunka kale dhaafay
  • Sow kuma abbirin reerahaan, horay u eedawnay
  • Axmed awlaaddiisii sidkaha, uma aloosaane
  • Af-fur looma shubo wayso, oo caana ka abaadye
  • Afka buurigii kakaga ingagay, yuu Ilxaan dhigiye
  • Ha afuufo buunshaha waa, addoon dhacane
  • Eedoolihii bay ka cabtaa, dararkii ooyoodo
  • Afmeerkii Bankaan dagniyo, ilihii Ceel-Xaare
  • Waxaa ayro lagu foofiyaa, oogadii sibiye
  • Arlo aysan ka baqanaynin bay, ku umulaysaaye
  • Waakaa ardaaga noo asturay, era-dhawgeediiye
  • Waakaa alaylkii laxigi ????
  • Waakaa abeerkiyo laqalay, oofa waynaha e
  • Ugaaska iyo arbaha Faatula ah, iyo aaqilka Xuseena
  • Islow Cumar Islaankii Carte, aarka Maxamuuda
  • Amakaarka gamaadii iyo, Ururta reer Boona
  • Arinka masoo Xaajadii abb iyo, wiil gaadhay
  • …………. aradkuu fadhiyo dawlo ka idlaatay
  • Intaasoo islow nahay, ul iyo diirkeeda
  • Oo igu ardaayayn anoo, ila-xidh wayn jiifa
  • Oo Adari kuu wada fadhiya, maalintaad imane
  • Ashkatiyo Ararsaba anaa, kaaga oday roone

· Asiiryahow waxaan kugu ajali, oodda kula taale

  • Inaad addoon dhaba tihiin, haatan ma ogaatay?

Biixi Aw-Cumar ayaan ka helay gabaygan kore.Dhacdadan waxaa kaloo ka gabyey rag kale oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Aadan Cidhibeey, Maxamed Cumar Qoobane, iyo Babayad Muxumad Kooshin, wiilkii curad ee Muxumed Kooshin Warfaa oo maalintuu 17 jirsaday gabyey maadaama oo aabihii xilligaa ka hor geeryooday.Maxamed Aadan Cidhibeey oo geel laga soo dhacay wax kasoo dhiciyey ammaanduulihii ragga geela soo dhacayna lagu dilay waa kii lahaa:Bahyarawda waad heli kartiin, Ina Bah GaalaaadeBaas idin ma heleen hadaad, shalayto beydhaaneBah Sheekhaashta oo wada fadhida, Ban iyo Ceel WeyneOo buurihii Yabaru iyo, banka daaqeeysaBanaankii Alaabaad markay, baarax olollaysoBeeshay ahaayeen kuwii, bahalka loo oogay…Maxamed Cumar Qoobane isna waa kii soo faray isagoo muujinaya inuu dakanada maqan iyo geela laga soo qaadayba ka aargoosan doono:Adigaa dhulkii iyo u kici, Dhuxun hareetiiyeDhicis iyo Cabdi iyo Muxumad baan, dhawr hal kuu fariyeDhamaantood u gee waa fariin, dhagax ka waaweeyneDharcastii bari yaan kale iman, dhude yar maadhiineDhalinyarada habaryoonis, yaa ila dhawaateeyneDhugad iyo Makaahiilna waa, is dhinac dagaynaayeHaaruun dhegadlana reeruhuu, dhaaxa buuxsamayEe geelii inuu dhaadhaco oo, wabiga uu dhaafoIyo in aan kaa dhaco oo aan, dhudina kuu cayman,labadaa mid uun dhawr nabsaa, dhiisha kuu galaye…Gabaygaasi markuu yimid, Muxumed Kooshin Warfaa oo Reer Amaadinka af-hayeen u ahaa wuu mootanaa waxaa jawaabay wiilkiisii curad Babayad oo wuxuu ku bilaabay:Bahyar ninkii lagu maqlay yay, barigii aadeeneSidii bawiyo ooman oo, mayeygu soo buuxshayAma ceel birqod ah oo aroor, maaxda laga boobayAma aar intuu neef barkaday, beerka ka higoodayAma budhun maqaareey ah oo, bidhaha loo qaadayAma bowlihii saarka oo, lagu bilaashqooqiBoodaanka ii yeedhay yay, bu’atay laabtiiyeAfka beenta laga sheegay, yaan baaji leeyahayeaan badalo hadalkii Maxamed yaan, baadi doon ahayeBuur guduudyo iyo saalumo yay, bila ka fooftaayeBanaankii Gilaad yay Cillaan, barawax daaqdaayeBaacdeeda lama soo qabto oo, tiigtu waa u buro’eBan jiifweeye oo laguma dayo, xero bidhaanteedeIyo baatirteedii candhada, boog isugu yeeshayNin baahaniba wuu ogyahay, baylahday tahayeBilaash looma daynine horaa, looga baalmarayeBoodhkaad arkaysaana waa, booqashadeediiye,Birqodkii Halowyaan rabaa, in aan u baadhaayeBaarjeex in lagu soo horo yaa, beesha loo raraye…Waxaan ka cudurdaaranaynaa inaan qisadan si tuuro-goys ah uga helnay dhawr ilood oo kala duwan sidaa daraadeed ay suuroobi karto inaysan sax wada ahayn. Haddii aad nagu dhaanto ama aad ku dhaanto akhyaarta kale een ka helnay waxaan filaynaa inaad noo soo saxdo iyadoo qasadkaagu yahay taariikh dhawr iyo suugaan xifdin oo kaliya.Haddii aynaan diiwaan galin suugaanta noocan ah bari kamaalin waxaad arki doontaa iyadoo la boolyaday oo gabaygii aad hebel ku ogayd mid kale oo kumanyaal meyl degaan jira ka yimid loo saariyey. Mahadsanid.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r