-
Cabdiyoo harraadsani hadduu, ilo ku soo hiiqay
-
Anigow horreeyey markaan, hadallo weydiiyey
-
Saddexdii ha’ gaabood markuu, kala hanbeyn waayey
-
Ragaan hubo habeenkii markaan, hilinka qaadsiiyey
-
Hadha-gari dusheedii markuu, heeganku isdhaafay
-
Huusaale raadkii markii, lagu haqiiqeeyey
-
Hawanley markii laysku helay, dhagadle Haaruuna
-
Harareemadkaa uga darraa, hootadaan ridaye
-
Waa tay huleeleen sidii geel, habeen didaye
-
Bah-Gaalaad haddii anan horsocon, guul ma hoyiseene
-
Feetinkii haleelada lahaa, halab ma maaleene
-
Cabdiyow hunguri waa midkaad, bariba haysaaye
-
Kii hore habeenkuu taguu, hadurka raacaaye
-
Haan baan ahaa haanta kale, hakisa miisaane
-
Hayin baan ahaa reerka maadh, lagu halleeyaaye
-
Hashu nimay ku daaqdaan ahaa, oo hubka u sido e
-
Haaruftaan la soo baxay warmaha, iga habeedeystay
-
Intuu hoosku soo meeri baad, na hubsan weydeene
-
Markaan yaraha haydalay xan baad, na hororsiiseene
-
Dad hadduu hiddiyo waayo badan, hayb iskula waaro
-
Inuu meel ka wada hiil galey, ugu hagaagtaaye
-
Kuwii lay hormariyow ka gala, dirirta haaneedka
-
Hareertaan ka iil reerka yaan, haadku ka idleysan
Be First to Comment