Press "Enter" to skip to content

Cali Jaamac Haabiil

The largest online collection of Somali poetry

Cali Jaamac Haabiil oo jihaadkii Daraawiishta iyo Sayid Maxamedba col la ahaa, Sayidkana ay marar badan maanso isu tiriyeen ayaa gabaygan hoose mariyey kolkii uu Sayidku jiif iyo joogba u diiday, Berbera iyo Ingiriiskii uu dabadhilifka u ahaana Daraawiishi kun iyo konton jeer ka lug-meersatay. Cali intuu Ingiriiskii isku aamini waayey ayuu mindhaa wuxuu is yidhi Sayid Maxamed iyo Daraawiish ayaa Berbera kuugu iman doono oo kugu qisaasi doono danbigii aad ka gashay umadda Soomaaliyeed iyo danahaad u fulisay Ingiriiskaba. Wuxuu, waa garashadiisa ee, is yidhi Ilaahay bal u dacwoo oo cidhiidhigan ku haysta inuu kaa faydo danahaaga u sheego.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dameertu iyadaana bururuflayn iyadaana geela didisay. Cali isagaana diintii Alla iyo ehelkeediiba ka tagay oo gaalo huura leh u galay isagaana Ilaahay ku cabanaya oo leh Ilaahoow faraj ii fur. Waxaad moodaa danbigii uu isagu xanbaarsanaa inuu ku sheegayo Daraawiishta iyo Sayidka. Bal u fiirso gabaygiisa. Wuxuu yidhi:

1. Allahayoow aduunyada adaa uuntay keligaaye 2. Allahayoow arwaaxdana adaa qoray arsaaqdoode 3. Allahayoow adoomuhu aday ku irkanaayaane 4. Allahayoow alabaabada adaa ooda oo furae 5. Allahayoow ma awdidoo xaqaad soo iftimisaaye 6. Allahayoow aduunbaw arxama kii itaal darane 7. Allahayoow adaan eex aqoon eedna aan qabine 8. Allahayoow awood adigunbaa loo ogsoon yahaye 9. Ninkaloo itaal lihi ma jiro adiga mooyaane 10. Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka 11. Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey 12. Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey 13. Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin 14. Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga 15. Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo 16. Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta 17. Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney 18. Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta 19. Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba 20. Allahayoow aqqonlaawahaa eeydu daba joogto 21. Allahayoow ibleyska khaliqigu ka ashkatonaayo 22. Allahayoow adigu waad ogtahay waadna aragtaaye 23. Allahayoow adoomaanu nahay diinta aaminaye 24. Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r