Nin aanaan magaciisa weli helin laakiin aanu hubinay inuu afhayeen u ahaa boqortooyadii Ogaadeenka ee saldhigeedu ahaa Doollo iyo Ciid ayaa gabaygan u tiriyey Isaaq isagoo ku cambaaraynaya inay gumaysigii Ingiriiska dalkii kusoo dhaweeyeen gaashaanna u noqdeen. Wuxuu gabaygu ku aadan yahay billowgii ee qarnigii 20aad. Isagoo Wardheer jooga ayuu wuxuu ninkaasi yidhi:
- Taariikhda duugga ah markaan dib uga faaloono
- Diiwaanka waxa kuugu yaal waa Dir baa nahaye
- Maantana Durriyad baan nahaad nagula doodeene
- Hadba inaad dad noo sheegataan waa dayuusnimo e
- Adoo aabahaa diidan baad dooni ruux kale e
- Duqii idin dhalay baad meel cidla ah kaga dareerteene
- …
- Waa dagalaydaydii wuxuu gaalku soo dagaye
- Adiguna dillaal baad ahayd daa’in abidkaaye
- Dooxada Hargaysiyo Burcaba waa anigii degaye
- Damaashaadka waataan ku maray labada daamoode
- Daqsi iyo siddii koronkoro unbaad darayga tiileene
- Dubaaxda iyo ammaankiyo mudkiyo daribta geeliina
- Dugaaga iyo haadkii cunaa noo ducayn jiraye
- Daadxoorta waa tii lafuhu dibada yaalaane
- Lafa-ruug dabkaan kugu shidiyo digadii baa taale
- Deyr adag intii loo dhigaan doonay kii hadhaye
- Sango duubi weyn iyo darmaan orodka sii daysa
- Dabra celinta waatay farduhu idin dul joogeene
- Idinkoon dagaal hidin karayn dumarna aan dhaamin
- Waa tay Dabacayuunow lahayd maygu dirirtaane
- Duqaydiinu way wada ogtahay dibirtii Maal-gooye
- Indha-badane dool laguma helin daaqsin iyo ceele
- Duq iyo doonba waw wada dhanaa doxorka Iidoore
- Allaaba waa dagaal aad gashiyo dirir is qaankeede
- Danaakiriyo Ciisaad baqihii dacal ku dhaafteene
- Dibna looma arag xoolo aad dibad ku raacdeene
- Waa taad durduradii badweyn doon ku gudubteene
- Indha-badan Abti-badan raggii kugu dirqiyey baad u duurxuliye
- Iidoor dulliga gaadhay iyo dakharadaan gaystay
- Waa waxay adhxaha daacsaniyo dari la yeesheene
- Dabar iyo hoggaaniyo anoo dacayba kuu yeelay
- Oo duudka kaa raranhayuu gaalku soo dagaye
-
Dagdaglihiyo anigaa ku baday duud-xamaalkaba e
-
Markaan diinka dhawray iyo sharciga iyo daliilkooda
- Danbigii markii aan nacay een iskaba daayey
- Dillaalkii iyo malaalkii markii dabadu kuu naaxday
- Dibjirkii iyo miskiinkii markuu daaro wada yeeshay
- Dumar baa ilowshaha yaqaan daalka soo mara e
- Inaad aniga igu doobidaa dawba ma ahayne
Be First to Comment