Geelii Indha-Badane iyo jabkii Ogaadeen u gaystay Isaaq iyo gabaygii Maxamuud Cali Beenaleey ee digashada iyo goodiska ahaa oo wada socda ayaa loo geeyay Cabdi Gahaydh. Isagoo haddaba Isaaqu ka filayo inuu dhiiri-galiyo oo uu dagaalansiiyo ayuu tiriyey gabaygan calaacalka iyo marag-furka isagu jira. Gabaygu wuu dheeraa intan unbaanse hadda ka haynaa. Wuxuu yidhi
-
Dhiilaabayey xalay miyaan, dhagidi soo booday
-
Ma dhabeyti dhawr baan hurdada, dhinacyaduu diiday
-
Gogoshii la ii dhigay miyaan, dhan isu weydaarshay
-
Sidii qalanjo dhaawacan miyaan, dhiraha laynaayey
-
Sidii naag ninkeedii dhintoo reer, ka dhaxal meertay
-
Ma dhulkaan shan baac qoday, Cabdow dhalasho waa yaabe
-
Ma dheg xumada Kiinguna maqlaa, dhibaya jiidhkayga
-
Dhanuu jiraba Daarood miyaa, dhool ku wada faanay
-
Dhabayaciyo Reer Dalal miyaa, dhaanto laga keenay
-
Ma raggaanu dhaxirka u xidhnaa, dhudi ku geeraarey
-
Ma dhawaaqa Cali soo diraa, waliba dheerada
-
Waa taynu dhaabaha lahayn, labada dhoomoode
-
Lama dhaco anaga reerkayaga, sida dhukaameede
-
Ama geelu seymuu u dhashaye, dhaqashadii daaya
-
Ama dhiciya sida reer tolkay, dhudi ma meerteene
-
Ama dhoofa waad taad sidii, dhalo nugleydeene
Be First to Comment