Press "Enter" to skip to content

Guraase Xaaji Cali

The largest online collection of Somali poetry

  • Ugaasoow toban xaaloo

  • Ta’da looxa ku taalloon

  • Laga toosi karaynin

  • Bal ma kuu tiriyaa

  • Tawfiiq Ciise-madoobiyo

  • Talyankii Faranjaa leh

  • Teendho reer Berberaad iyo

  • Turkigii xukumaa leh

  • Tuhun shuunka Axmaariyo

  • Nin la soo tashadaa leh

  • Talo waa Boqor baa leh

  • Asagoo malab tuukhsan buu

  • Macaluul mid la taagan

  • Tiigsin dheer la dhacaa

  • Kolkaasuu turtuqaa

  • Nin maroodi taxaabay

  • Oo abees tunka saartay

  • Inuu aayar taxaasho

  • Taana wayna ahaanin

  • Torog dheer ninka fuulayee

  • Laba tiirri afeystay

  • Oo tuur bannaan cido geystay

  • Oo timaha Reer Dalal sheegtay

  • Isla taakulin mooyeen

  • Anaa kuu talinaaya

  • Taana wayna ahaanin

  • Tolkii aynu naqaannay

  • Ogaadeen taladiisa

  • Taan idhaahdo uun mooyeen

  • Tu kaleeto ma joogto

  • Taana wayna ahaanin

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r