Press "Enter" to skip to content

Yaa Dirsaday

Haddii aad gabygan taariikhdiisa hayso ama meel laga heli karo aad og tahay fadlan nala soo xidhiidh. Damiin macalinkiisiyo isagii ha is dacweeyeeneNinba dowgu leeyahay kolkii dooda aan u dhowroArdaygii da’ loo yeedhiyee diminta miim saarayKol hadduu tacliin doonayayoo deel xafidi waayeyGarta haddaan la daahayn isaga sow danbigu ma aha·Aniguna mudada doorka een ciidho diriraynay·Ogaadeenya cadawgii dafiyo daadufkii sirayey·Midna kama dabooline dirkaba wawga digay dhaaxe·Dabaalsiiyey hadal diiriyiyo sheekho duur xul ahe·Mar u daday baryana daahay oo dooxay maansada·Daraf iyo dhawaaqii anoo dacalba gaadhsiiyey·Tix aan sogordihiyo faallo dheer miday durduurtaanba·Danaaniga la garay muusanoow inuu ku duubnaaye·Nin dalluunshay baaq inaan ahayoo qaylo dananayso·Dusha guud naxwaha sidaa ha u dareemeene·Darxumadaan ka qaylyaayey iyo dulucdii hoosaysay·Ujeedadu halkay daaranayd baal ka daawade·Mid ka dude ee tii kale macnaha looma daadagine·Aan ku daalo taagay amaan seego danahaye·Faqna durugsadoo ruuxba ruux laysku wada daarye·Warar laga danqado duulba duul ha u dawaafsheene·Dadku badi sidaa iyo darteed haba dadaaleene·Dacdarada badhkeed iyo wixii dilay Ogaadeenya·Duleystiyo daldalihii xaggaa ugu dammaan leeyay·Oon laba dugaag idhi mid bay daaqad ka arkeene·Waligoodba dabarkii hore oo duuga bay garane·Inkastooy dakano taa ahayd oo dulkaba tiilay·Wax soo degay ammuur nooga daran tii darraatabe·War daabaana qaadka ay matali dawlada Af-weyne·Ogaadeen damiin kamadhigtee yaw dirsaday hawsha?·Rag ninkii ku daandaansda ee durqin u jeeda·Dood iyo dagaal baa mid uun lagaga duufaaye·Danqashiyo waxaa murugo kulul dibirta qaarkeede·War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne·Ogaadeen damiin kamadhigtee yaw dirsaday hawsha?·Duumiyo xanuuniyo adooy diifi kugu raagtay·Dugduglay ha joogtee adoon wali kasoo duudsan·Oo deyr-xumaad yahay waqtigu ama diraac dheerba·Hadduu gaas col waa dumi jiree lagugu soo duulo·Kuray daqaqamoo tagay halkuu daaqi jiray geelu·Galabuu kaaga soo digay inay doonyo ka carrawday·Makhrib dabadii goor ay ahayd waa cawaw darane·Ooy damug kusiiyeen xeryaha diricyo soo dheelmay·Ku soo daaya adigoo leh oo doobke uuminaya·Colkii doomanaysaa hadduu weerar kugu daacsho·Geelaagii oo dihin haddii lala dawaareeyo·Deris nimaad ahaydeen adigoon qaylabaw diranin·Durba hadduu kusoo gaadhoo doodi kugu dhaafo·Digdigtiisa orodkaad tidhaa wuu ku daaficiye·Isagoo dalleen weyd ah iyo daaci kugu sheegay·Oo daali maayo leh kolkaad aayar daba liicdo·Gudcur damug ah goor ay ahayd oon dayaxu muuqan·Waddadaba hadduu kaa duwoo duur fog kula aado·Dariiqaba intuu kaa lunshoo dogob ku jiidhsiiyo·Markuu dalawyo baas kaa ridoo dawgii kaa lumiyo·Intuu darafta xanan kuugu maro ama du’ soo leexdo·Dabragoyn intuu ugu dhuftoo dadab u sii baydho·Duulkii geela loo waday hadduu diilintaa u jeedsho·Damaacina hadduu galo si uu kaaga darib quuto·Dilaal iyo haddii uu malaal kuu diyaarsanayo·Daldalooladaadoo batiyo dabacsanaantaadu·Dabiib uu ku naaxiyo markay daawadii noqoto·Dallada iyo guushaadu waa dabar gu’iisiiye·War duunyada raggii kaa dhacayee dawrshay xeradaada·Ogow daalinkaad aamintay baa kaaga sii darane·Dingaraaraduu kugu ladhi tii dagaagnimo e·War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne·Ogaadeen damiin kamadhigtee yaw dirsaday hawsha?·Haddaanse reerka deyrku u adkay dagagar mooyaane·Libaaxii dinaahshee ciyaa waaba kuu digay·Markaasaad duddada oodataa ood dab shidataaye·Marse hadduu duleedkaaga yimid diilalyana hayso·Isagoo dibnaha kaa xidhayoon maalka didinaynin·Hurdo-dakharta leylkii ahiyo duhurkii mooyaane·Intaad dibadda jogtaba hadduu soo daf odhan waayo·Oo duunyadii eber ka dhigo amuu dad kaa laayo·Labada aar ka dalandoolayee aamusaa darane·Soomaaliya dabcigu waa tabtaa daacad ay bidiye·War daabaana-qaadka ay matali dawladda Af-weyne·Ogaadeen damiin kamadhigtee yaw dirsaday hawsha?·Daruur curashii maagan iyo daad arlada buuxsha·Markay di’is diyaarka u tahayee qayo udgoon daacdo·Tiixa diliqle mooyee intaan dhibicdu soo duulin·Qaanso-roob daliigani hadday baal iskaga duugto·Unkadkiyo daryaankeeda baxa amase dawdaw leh·Danabkiyo hillaaciyo waxay dununucaysoo dhan·Allaaba waa dix ay soo rogtiyo doox waraabsama e·Hufo iyo dabayl bay noqdaan diririgteediiye·Ha ku daalin waa duuf xareed laga durduurtaaye·Daadufnimada Soomaaliyee durugsiga u jeeday·Dubaaqa iyo ra’yiga keen ah buu saa u dumiyaaye·War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne·Ogaadeen damiin kamadhigtee yaw dirsaday hawsha?·Annagoo dalkaa weyn leh oo dad iyo maal buuxna·Ninka yidhi duq weyn baan ahayoo raba daryeelkiina·Ee daakhilkiinaa ma jiro laba ka doodaa leh·Waa shay dantiisa wuxuu noo dirqiyayaaye·War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne·Ogaadeen damiin kamadhigtee yaw dirsaday hawsha?·Dux ay nagu qabaan bay darteed noo dalfinayaane·Kolba taladii door noo ah bay daaf ku ridayaane·Indho-duubka saasay wax badan nagu duduubteene·Waxay dacayda nagu jiidayaan dawlis xoog badane·War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne·Ogaadeen damiin kamadhigtee yaw dirsaday hawsha?·Dubaax shiilan bay naga heleen oo dalaal tubane·Beryo inay na darandooriyeen oon usii dararay·Dawarsiga carbeed inaanu nahay daasad lagu qaato·Dalbashiyo in magaceer baryada dibada loo haysto·Daabaqad in laynagu dhuftayoo doofil nagu heesay·Ninka yidhi duq weyn baa ahayoo raba daryeelkiina·Adna dalandalkii baa tahayoo weydin daadihin leh·Xagna dabinka saan ugu galloo noogu rido daanka·Iyo si uu cadkeena u dubtiyo daabax nala maagan·Kaba dacar khadhaadh ka i dafaye ka i dagaa ba’ane·Dirgashaduuba naga dhawrayaa digatir mooyaane·War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne·Ogaadeen damiin kamadhigtee yaw dirsaday hawsha?·Dagdagluhu darbadahoodu way sii dalacayeene·Kuwa sharaftideenii dafiray amase noo diidan·Dugsan mayno inaan daa’inkood diriro mooyaane·Qof aan doocba hayn iyo ma oga kii damiin ahuye·Damiir laawe iyo dawdar iyo doqonna yeelkoode·Danbi kuguma haasaawin iyo been dacaayad ahe·Runta inaan ku diirdiiray taa waxaa u daliilkii ah·War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne·Ogaadeen damiin kamadhigtee yaw dirsaday hawsha?

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r