Gabaygan taariikhdiisa soo raadi. Wuxuu yidhi:Indhawayd mabaadii kalaan, mihindisaayaayeMaaweeladii iyo ka tagay, majadii gabayeCeel maaxsan baan shubaayaa, maalin iyo leyleIi muuqan maayaan waxaad, idinku moodeeneMaadooyinkaan fiiriyaa, waaba meel kale eAnoo maqan haddii la i arkoo, madaxa laalaadshayMiisaanadaan beegi iyo, rodoladaan miisoMarkab aan xambaartiyo ka culus, moodhar aan sido eMashaariic sidaasaa igu furan, Eebahay maganeMurug iyo wareer baan qabaa, layna moog yahayeCalool muusanawday dishiye, ima maqalaysaaneNin marqaan u jeediyo xarrago, hay malaynine eMaxaa yeelay maamustii way, macangagaayaaneMaar dheeshay waa lagu hubaa, miridh aroortiiyeMooraal habaas yeeshay baan, maydh is leeyahayeMilitariga Soomaalidow, bal laan ku maaweelshoMalkada ugu horaysana haddaan, madaxa guubaabshoMargi balaqa awrkii hoggaan, lagu makaabeeyeyKan xidhiidhka la isugu maree, daba mushaaxaayaTallaabadiyo miidaankuu socdaa, ways matalayaaneOo geelii mildhaawuhu qabtee, didayey ee maagtayMiyil-weynkii baa loo tumiyo, neef u maakar aheMaahmaahdu saasay ahayd, waanad maqasheeneMarmaroor tusyaa iyo jidkii, toosan mariyaabaSiduu ula macaamilan jiriyo, maamulkuu barayeyArdaygu meel uunbuu uga ekaan, macallinkiisiiyeMasaladaa halkaasoo kalaan, kaaga maakibiyeOffishaalaha miidhanoow, mooyi say tahayeWar gaadhigan marsada kii hayee, waday mashiinkiisuMitir maylka shaallee hadduu, maanka ka illaawoAmase uu jidkuu marin lahaa, miino kaga aasoMashaqiyo dadkii fuushanaa, mawdba waw haliseSheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyoIyo dawgii muuqday oo si kale, loo macaamiliyoMasiibiyo inay cudur tahaan, marag u haystaayeMataankaagii ood xaasidaa, murugaday keentoCarabtii midowdaa og iyo, kii macooda aheMasarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaayeOffishaalaha miidhanoow, mooyi say tahayeDadka magaca Soomaaliyee, meel kastaba joogaEe ministarada qaar yihiin, madaxda loo sheegoEe qaar masuulka yihiyo, mudanayaashiinaEe qaar maxkamadii noqdeen, moodeeyno xukaantaEe qaar shaqaalaha markaa, miisa yahay hawshaEe qaar iskuulada murtida, looga marinaayoEe qaar macallimiin yahee, wax u micnaynaayoEe qaar magaalada dagee, qaar miyiga joogoEe qaar mushtariga yahee, moodka gadanaayoEe qaar musheekhdii yahee, dhigaya MowliidkaEe qaar gumaysigu mutee, dhiiga laga miirtoEe qaar maatada yihiyo, muunadaa dhalatayEe qaar mardaadiga xarrago, wada mushaaxaayoEe qaar maxaabiista yahay, manida tuugaysa (money)Makhluuqaa aan soo sheegayee, kala meeqaan liitaCudur wada maseeyaa jiroo, aan mid uga laabnayneMaxaa iigu jira weeye oon, maaro loo helineTixraaca: Garnaqsi: Maansadii C.M.A Dhoodaan. Qore: Maxamed C. Gurxan |
Be First to Comment