The largest online collection of Somali poetry
Gabay gabayada dib-u-heshiinta ee abwaanka ka mid ah oo uu Soomaalida ugu sheegayo in ay Rabbi u noqdaan si ay uga baxaan collaada ku habsatay. Wuxuu yidhi:
-
Waagii wanaagiyo la nacay, weheshigii kheyrka
-
Waaciidsigii walaalnimo markii, laga walaahoobay
-
Waaguu wareerkiyo na galay, waaladiyo tiihu
-
Waagii wadiifada la jaray een, wadnaha goynay
-
Waagaan is wada weerarnee, la is wareenteeyey
-
Waagay walaaladu noqdeen, nin iyo waabtiisa
-
Waagii wallaahida la maray, wacadna beenoobey
-
Alla maxaan waryaadhaay ku idhi, oon waramay daacad
-
Alla maxaan warmaha laysla dhici, waali u arkaayey
-
Alla maxaan dad badan oo waxtara, waaberyaba laynay
-
Alla maxaa wadaad iyo duq iyo, walliyo geeryooday
-
Alla maxaa islaamo aan wax qabin, la iska weydaystay
-
Waraqyada intii laga xidhoo, waadi lagu tuuray
-
Sidii waxar mareeg galay maxaan, kaga wajiiqsiinay
-
Alla maxaan wadkiyo geeridiyo, wiiqashada diiday
-
Alla maxaa wadnaha laysku jaray, gumuca wiifleeya
-
Alla muxuu waraabuhu habcaday, hilib walaalkeen ah
-
Alla muxuu wijiiriyey intuu, waayo ku casheeyey
-
Alla maxaan nin weyn oo khaldamay, waaniyoo la hadlay
-
Isna muxuu ka weyraxay sidaan, wax ugu sheegaayey
-
Anna intaan wisiisiyey maxaan dib, uga soo waabtay
-
Dhiigga wilic leh waagaan gadneen, qalannay willkeena
-
Waddamada shisheeyaha maxaa, welimo loo doontay
-
Alla maxaan shir laynaga waciyo, gogala weetaynay
-
Alla maxaan wax laynoo qaliyo, weelashii madhinay
-
Wuxu maxay ahaayeen maxaa, laba isweydiisay
-
Alla maxay xumaan waartay iyo wadhi, nasoo gaadhay
-
Muxuu inagu wiirsaday nimaan, hor uga weynaanay
-
Kolleey sharafkii webi buu ku dhacay, waanan aragnaaye
-
Waan-waan haloo raadiyee, talo isweydiiya
-
Haddii kale warjeefkiyo xiqdiga, abid wanaag mooda
-
Warka gabaygu waanuu ahaa iyo, wanaag doone
-
Marna wah iyo ciilbuu ahaa, iyo walaahawe
-
Wadna gooye qaar baa ahaa, wad iyo eedaade
-
Marna ficil wadani buu ahaa, cadhiyo weerreeye
-
Isku wada dar weel qudha ku shubo, waa is waansada
-
Waddadii xaqa ahayd haddii, laga walaahoobay
-
Wadiiqaha la doorbiday hadduu, wey na dhaxalsiiyey
-
Waxaa ila habboon nabad inaan, uga wareegnaaye
-
Waagii baryaba waxaad heshaan, taliyo waan waane
-
Ummad yahay iswaanssada inaad sharafta weynayso
-
Haddii kale wadkiyo geeridaad, weheshan doontaane
-
Weligiin waxyeeliyo ku jira, weerarkiyo boobka
-
Bal waayahay haddaan soo wadaco, gabayga wawleeya
-
Waxaan idin odhan lahaa haddaan, waaga ka caddeeyo
-
Weydada irmaan iyo ilmaha, daba walaansheeya
-
Adoo wada walwaaliyo bannaan, amase weeraare
-
Waraabuhu hadduu kaa didshiyo, weer hunguriyeeyey
-
Midba meel hadduu orod wajaho, oo la kala weecdo
-
Waa woohabayn iyo duboo, waxaad tidhaahdaaye
-
Soomaaliduna waayahan sidaa, waw ekoon tahaye
-
Waxaa inagu waajib ah inaan, Waaxid barinaaye
-
Wadaad balag u aasiyo intaan, culimo weegaarno
-
Ha isweheshatee Eebeheen, samo aan weydiino
Be First to Comment