Press "Enter" to skip to content

Mahad Shariif Maxamed (Shariif Laate)

The largest online collection of Somali poetry

  • Ogaadeen inuu Ras-Ges helay, raadiyuhu sheegye

  • Goortaan riyaaqnay ee farxadi, rubadda noo gaadhay

  • Nin walba in meel lagu rakibo, waa sidaan rabaye

Rajo halkii aan ka dhawrayey, yaa hoos la ii ridyayeWaxa aniga lay reebayaa, reer kalaad tahayeAbtirsiimadaa riixan baa, lay rikaabsadayeNin shisheeye raacoo dhan baa, qaba rafaadkaaseGeelaan ridada loogu jirin oon, rag luhu haysanOgoobay khalqiga roorayiyo, uunka kala raacyeRitiga baadida ah geeljiruhu, ruuga ka uleeyaReeraha nin baan tuhunsanaa, raasna ii xigayeIsagana raqdaydii ma odhan, ruuxan yaa dilayeIyagoo rakaalkii sitiyo Ruushka qalabkiisaRagaad iyo jabhadihii ninkii soo raraan ahaye…Soo dhamaystir gabaygan haddii aad hayso, fadlan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r