Gabaygii 2aad ee Banfis
- Kaahaa la wada eegayaa, awr kabaal qabaye
- Koonfur iyo Waqooyiba hadday, laydhu kaafidaye
- Sidii ceel karkaarada xunbada, kor uga soo tuuray
- Nabsigii karuuraaba, u soo kacaa-budhiye
- Kefedii rognaydbaa xaqii, soo kor marayaaye
- Kacaankaad u sacabaynaysaan, waa la kaarahaye
- Dharigay idiin karinayaan, waa kud iyo fare
- Dhunkaal soo kalaankalaysa, baad so kilkilsaane
- Koodhkii Afweyne iyo la tuur, kab iyo xaarkeede
- Kaalintii Bukaasuu galoo, wuu kurbanayaaye
- Kaydkii Amiin buu dhigtay, oo koorihii ga’aye
- Ninka maanta kaalmaynayaa, kayd xun dhaansadaye
- Konton lihii Rashiid lagu diliyo, Kennedi baa u yaale
- Keebka iyo liishaanku waa, kama dambaystiiye
- Haddii koodh la taagiyo haddii, lagaga kaw siiyo
- Waqtigiisiibaa kooban oon, kadab u yeelayne
- Kilaal buu dhex joogaa Cigaal, waana kalidiiye
- Dhaaxuu idin kabankaabiyoo, waydinaan kohane
- Hadii aanu waran kiisu Karin, reer nin kaliyaale
- Waa inaad sidii naag la kaday, kabaha qaadaane
- Mar baan koran xiniinyaha la muday, kebed la saarayne
- Hogaan lagu kaxeeyiyo marbuu, keena-goys yahaye
- Kaymuhuu dibboodaa intuu, kadinka jeexaaye
- Kiintaaladu jiidayo ee, lagu kadeedaayo
- Ee lagu kor fuulaayo ee, lagu karbaashaayo
- Dameerkuba kabaalada marbuu, kabax ka siiyaaye
- Kuray yari wuxuu aar gutaa, maalintuu koro e
- Kudkudaa u liitoo nin geed, waa ka kiciyaaye
- Tolkayow maxaa u kuududaan, laydin kooreeye
Gabayo kale oo ay ka mid ahayeen tuducyadan hoose oo Banfis tiriyey ayaa jiray ee soo raadi:
-
Daarood marbuu ii ahaa,mulac sidiisiiye
-
Mudug baan kasoo qaadi jiray,maydhab caga weyne
-
Milmil iyo Bulaalaba ka dhimay,muranadiiniiye
-
Geeltoosiyuhu waa Absame,galafdhabaayaaye
-
Galsha miirka iyo uuskii bay,galalafaayaane
-
Geedkii awowgood lagu dileey,garab yaxoobaane
-
Gidaaraday la wada yuururaan,gar iyo ceebayse
-
Waxay talo ku gaadheen inay,laba godleeyaane
-
Haddee yaa na gaday waa intay,garsho siisaaye
-
Dhaqaalihii godbaa looga riday,gaananaan jiaraye
-
Ayax gacan wax lagasiinayaan,ciddi wax gaadhssine
-
Guuriye Cagdheeroow hunguri,gabiyo kaa tuurye
-
Dooxaa Hargaysaan masaal,kuugu darayaaye
-
Mareexaankii waa kaa ka dagay,labada daamoode
-
Daaradaan lahaa baa Tindheer,igula doodaaye
-
Magaaladu hadday durugtay,waa daris collaadeede
-
Iyagaa dalkoodii ka yimid,duulka soo qaxaye
-
Daaduunkan ay keenayaan,kama daweeyaane
-
Dushaa adi lagaa saarayaa,kugu danaystaane
Banfis IIYuusuf Colaad IYuusuf Colaad IIMakayteIMakayte IIMakayte IIIFakad IFakad IIFakad III
Be First to Comment