Press "Enter" to skip to content

Khaliif Xarbi Ismaaciil

The largest online collection of Somali poetry

1.Arrinkiiqalloocani nin buu, la qumanaadaaye

2.Dadkuna kama qabtee kii xun, baa lala quweeyaaye

3.Waa waxa adduunkii qarribay, qarada weynaaye

4.Ma quruumihii baa tolow, qiro heshiin waayey

5.Ma qabkii xumaayee rag baan, quudhsi kala daysan

6.Ma qardoofe laysugu dhintaan, qaarkii laga waayin

7.Ninba qiimiguu yahay kolkii, loo qadarin waayey

8.Ma qarsoodi baan jirin warkuu, qirayo raadiyowgu

9.Dayuuradahan qoorkii baddiyo, qolalka meeraaya

10.Qaran jabay qabaailka isku lumay, qoofka dami waayey

11.Qori dhacay qurbaha laysku dilay, qaraxa baaruudda

12.Qalcadaha la soo gubay intaa, duni qasaarowday

13.Qaylada magaaliyo baddaan, laga qaboobayne

14.Qoorriga Suweys iyo taney, qabi ka joogtaaye

15.Haddaan labada qolo ee isdilay, qooni kala gaadhin

16.Qawaajuhu qureecduu bartiyo, qado ma waayeene

17.Qariib weeye Reer Maxamed Cali, mana qaxweeyaane

18.Lagana qaad qasnadihii Hindiga, qalabka raygiiye

19.Qollateyn yar reerkii dhigtaa lagu, qar haystaaye

20.Qarri doogle qawdhaha caleen, qaradi geel naaxay

21.Qormo agana qayrooyin beel, qaxar la’aan taalla

22.Anuun baa qorshaha doonayee, quusay Faransiise

23.Maxay laba qabiil nabad heshaa, qoysba kala waaye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r