Gabaygii Ismaaciil Cigaal Bulaale ee Silsiladdii Rayad
-
Doolaabta maansada anaa deeqsi ku ahaaye
-
In dhoweydba waataan dedoo diiraddow rogaye
-
Hadba aniga oo daayay bay igu danqaabaane
-
Bal aan dayo dibnuhu waxay barteen dihashadiisiiye
-
Sidii dirirka rooboo bishuu di’i lahaa jooga
-
Ama ramag diraacdii dhaloo oon la dubayoobay
-
Oo maqasha laga duubayoo ololka deexaanshay
-
Ama dowri aaroo in badan duur cidla ah jiifay
-
Oo dibadda neef kula dhacoo miciyihii deenshay
-
Dadow maqal damaashaadku waa diririgteydiiye
-
Dacwad waxaan ka idhi geelayaga loo dardaarweriyey
-
Dacwad kalena waa Cali hadduu gabayga daynwaayay
-
Dacwad kalena waa aniga iyo duun u hadalkayga
-
Dacwad waxaan ka idhi geelayaga loo dardaarweriyey
-
Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneed leh
-
Doollaaba lagu sii wadaa dayrtan maanta ahe
-
Dibna u laabmimaysoo dhulkii dooggu ka idlaaye
-
Darka Qarandi deexdii Cammuud waa dar noo xidhane
-
Dixda Rey-gareed iyo Gargaar waanan dayn karine
-
Dumbuqyaaba laga soo guriyo dogobbo waaweyne
-
Afarteeda deyr bay taqaan looga duulwado e
-
Anaa doonanaystaye baqaa looga diirwadhaye
-
Dawo hadday lahayd Jeerinleey waa dul tegayaaye
-
Degina maayo jeeraan ku furo degelkii Gaafoowe
-
Daahyaale geelii la helay waa diramayaaye
-
Dambarkiisa waxaan loogu lumin amase loo daalin
-
Ninna nama daneeyeen haddii lay daleelsado e
-
Deeq looma siin wiilashaan dayrta xoogsadaye
-
Diishaaba laga soo rogiyo daaqatiyo Faafe
-
Meeshaan ka daadagi jiraan dabaqna saarrayne
-
Ma na looga daray sow raggii duuli jirey ma ihin?
-
Mise doorkanaa xoog ka dhacay duudda Habar Yoonis?
-
Afartaa ma dalandeellinnine daw ma ku hagaajay
-
Ma daleeyey arartaydu waa dahab sidiisiiye
-
Dacwad kalena waa Cali hadduu gabayga daynwaayo
-
Nin da’yari dambaab iyo ha galo diradirayntaase
-
Diintii Rasuulkiyo haddaad daacadda ujeeddid
-
Oo aadan dariiqada ka bixin duudii Nabi Aadan
-
Oo madaxu deebtaa ku yahay waa digniin dhab ahe
-
Sidee baad dawaar ugu rogtaa dunida geestaada?
-
Ma dugaagga cunayaad tihiyo haadka daba jooga?
-
Mise derisnimaa kaaga dhiman hadalkan deelqaafka?
-
Adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay dab iyo baaruude
-
Dacar gelisey reerihii ahaa ul iyo diirkeede
-
Mugga haatan dirir uumiyuhu waa is dilayaaye
-
Doqon iyo Ogaadeen haddaad dala’ ku sheegayso
-
Waxaa daarahoodii kharribay duulka Reer Gorode
-
Dunjiga Reer Subeer oo dhan baa duudsi loo naqaye
-
Adaa dalawadoodii dhacay oo ceeb ku daabacaye
-
Weyl baan dabraa baad na tidhi waana didayaane
-
Nimankaad dadkii wada tustoo daawo uga yeeshay
-
Waa maxay baroordiiqdan aad ugu danookhyeysey?
-
Dadkaba haatan godob duug ah baad ugu dahsoonayde
-
Duhurkaaba lagu toogan laa dayrtan maanta ahe
-
Ma daguugan tahay sow ma ogid deynka idin jiifa?
-
Naftan dawguduud lagu guree sidatan duurkiiya
-
Waa odayadoodaad disheen ood ku digateene
-
Idinkaa duqyaal iyo xidhxidhay shiikhya daahiraye
-
Halkii Aw-Xuseen lagu deldelay waa dalluun qodane
-
Dubbuhu wuxu ku dhacay Bih-Ina Cali degelladoodiiye
-
Ku daadduume Reer Carab sidaad uga digsiiseene
-
Da’roontii kacdaba waydinkii gooyey Reer Dalale
-
Sidaan lagu dareemeynnin baad ugu damqaysaaye
-
Inaan nimanku diirdiirrannayn waxaw daliilkiiya
-
Dooyaalkii baad tahaye maa lagu daqiiqeeyo?
-
Guutada markuu Macallin Doon kula dawaafaayey
-
Aad sida wadaad soo dikriyey doobta karinaysay
-
Raggaad Qoora-dogoblow lahayd sida dameer weyd ah
-
Ee saca daloombiyey baqaha daadshay qalabkiisa
-
Annagaa ku deyranne xigtana ugama diirtaane
-
Imminkana halkii daganba waad docadocaysaaye
-
Haddii awr duleedka uga dhaco waad duddubisaaye
-
Afartaa ma daldeelinnine daw ma ku hagaajay
-
Ma daleeyey arartaydu waa dahab sidiisiiye
-
Dacwad kalena waa aniga iyo duun u hadalkayga
-
Deyn kale ma sheegine markay diiftu kugu tiillay
-
Adigoo dullooboo sidii daabax lagu moodo
-
Dalkayaga markaad timid haddii aan ku derejeynnay
-
Oo duunyo waa fududdahee dadab laguu yeelay
-
Aan gabadh daruur u eg aroos kuugu dalaq siiyay
-
Uu kuu dabbaal degay qabiil daabbad wada fuulay
-
Oo dun iyo shaal heensihii laysku wada duubay
-
Oo danabka Maadhiin yaruhu kugu dinnaahyeeyey
-
Oo ay durbaan kuu tumeen dumar wixii joogay
-
Meeshaan abaal door ahoo debecsan eegaayay
-
Haddaad guuto noo soo duntoo daabcadde u dhiibtay
-
Nabsi daalay baan kula sugiye duugga bal aan dhowro
Be First to Comment