-
Magaaladan Wajaale ah maxaa, weerar soo galaya
-
Maxaa ceel wadaameed ka qodan, laga waraab qaato
-
Wadda halaq maxay soo gashaa, webiyo xaaraan ah
-
Maxay tahay waraar lagu dhaciyo, waadi lagu daato
-
Wershad naga qarsoon iyo maxaa, wecel yaqaan jooga
-
Maxaa weriye cadawga u shaqayn, waajirka istaadhi
-
Wakiil Xabashiyeed iyo maxaa, Waarso nin u taagan
-
Maxaa Washington qaar ka yimid, la isku weydaaran
-
Walangoo maxaa ila fadhiya, waramo soofeysan
-
Wacad-qabe basaasiyo maxaa, wali isdhaafaaya
-
Woqooyi xeebaheediyo Galbeed, waxa ka soo buuran
-
Ee waddan xumeysnimo aheen, wali la soo saarin
-
Wafdiyada qarsoodiga ah iyo, wiidada isdhaafi
-
Wareegtada qabiil weyrixina, wah iyo ciil beerka
-
Wasiirada badhkood waxay wadaan, waaxyo kala goyne
-
Waraaqaha sirta ah ey qoraan, wiigba dhan u qaadka
-
Wadaad-xumaha loo dhiibayee, ee laba wajiileeya
-
Wax ka maqan iyada oyna jirin, weyda iyo taaha
-
Wareentada haddaan laga hortagin, waa dhaw iman doonta
-
Wadaadkii qabsaday Shaah markuu, weerarka istaadhay
-
Wadiiqooyinkii Aaytullah, waagi laga keeney
-
Waxdadahan siyaasado wateen, een wali la dhooroofin
-
Wiilashiyo hablaha aan arkee, ee waalidkood duraya
-
Ee iyagu waxaan loo fadhiyin, soo walwaalanaya
-
Waxaa iyo wax kale oo ka daran, oo walbaa jira e
-
Inkastoon waddaniyiin ogahay, waa dhaw qaban doonta
-
Waxyeeladu Soomaaliya intii, ayan ku weynaanin
-
Inaan wadajir looga hortagaa, waajib saw ma aha?

Muxumed Caydiid Cabdi (Eebo-Cadow)
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment