Qamaan ayaa in muddo ah aamusay oo hadal laga waayey isagoo ka xun haweenaydiisii oo isaga oo aan dhiman furina lagu sheegay inay reerkoodii i nin kale ku dareen. Haweeneydaa waxaa la odhan jiray Barni. Waxay marka nimankii ilma adeeradii ahaa weydiiyeen Qamaanoow maxaad u aamustay? Wuxuu ku jawaabay tixdan oo ka mid ah gabayadii uu u tiriyey Barni.
-
Lix hal maansadaan tirin lahaa, yaan isaga meershay
-
Mufti culimo sheekh lagu mintido, oo xaq kala miira
-
Oo jeer dhawayd magac lahaa, amase maamuus
-
Masala gaabka maagan ee qarsoon, yaan isaga meershay
-
Anoon mariintideedii dacniyin, meel fogna aan joogin
-
Naag meher qabtaa waa mubaax, macallinkii keenay
-
Dadka maatidaa u kala jirtay oon, muran ka oognayne
-
Haddiise haatan lays kaga maljaday, murug adduunkiiye
-
Muslinoow bal arag xaajadaa, laysku malaq siiyey
-
Maadhiinka buuxa iyo intay, midigtu laabmayso
-
Haddaan midhaha Reer Magan Warfaa, magacu duugoobin
-
Rabbi boow markhaati ah inay, miir la dhici doone
Fadlan nala soo socodsii haddii aad og tahay meel laga heli karo gabaygan oo dhan.
Be First to Comment