Press "Enter" to skip to content

Ismaaciil Xayd Af-low

The largest online collection of Somali poetry

  • Walbahaari maayoo naftani, Waaxidkaw talinne
  • Wallaala iima joogoo uumiyihii, waa horuu lumaye
  • Hadduu Faarax waylaaqtan geli, ma anan wigloodeene
  • Waddadii Hargeysiyo haddaad, qabato Waaleedda
  • Warka u lali wejiga Reer Xirsiyo, wadarta Reer Yuusuf
  • Waabka ugu sheeg beesha oo, weeran baad tegiye
  • Haddaad shidho waraarkeed gashaan, weyda ka xishooda
  • Wanka weyn ninkii heli karoow, waxarka haw leexan
  • Wab markaad ka siisaan rijaal, mari wadiiqiinna
  • Yaan laydin waadhoolininee, dhiibo weydaarta
  • Ka wareegta oo Reer Isaaq, weheshadoo raaca
  • Waxba hadaydnaan noo dilin, cabbaar waranka soofeeya
  • Warqadna nooga jara gaaladiyo, waalligiyo saydhka
  • Jeeroon warfaayoow nimaad, wiira la hagoogta

Ma hubno gabaygani inuu dhamaystiran yahay. Noo soo dir haddii aad wax ka hayso.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r