- Usha dheer markaan geelayaga, ugubka soocaayey
- Aydinkeeda qaalmaha markaan, u intihoon waayey
- Aloos iyo markaan miigganoo, ololasha laameeyey
- Abtrisiimihii baa i hoday, Aadan Carabow e
- Haddaan Ebirrar iyo Tuuryar iyo, Aado Gacal-Muuse
- Dadkaa Uufannaaga ah, haddaan Adhijir weydiisto
- Ama reer aan soo ag maray, anan ka ilduufin
- Idahayga iyo naylahaan, edeg wadaageene
- Isla joog baraar leh iyo wan weyn, ma arki waayeene
- Nin ambaday halkuu aaday, way ula ekoonayde
- Anigoo arkaayaan wadadii, eerigoo maraye
- Arrin kale ilaawaye haddaan, aqalka lay daadin
- Ama awr an gaadiid ceshado, la i ammaaneeyo
- Ayaan iyo wixii laba ka badan, eregtu waa ceebe
- Nin aamano neceb baan ahoo, iguma aameene
- Abaar caano leh iyo ceelow waa, adhiga daaqiise
- Isha Docolley Reeraha ag yaal, kalama aadeene
- Amaana Alla mooyeene wax kale, maba idhaahdeene
- Waxaa ooyda naag aabaloo, ehel u muuqdaaye
- Agoonimada waa waxa cidlada, loogu awdalaye

Axmed Dirir
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment