Press "Enter" to skip to content

Daahir Cali Nuur

The largest online collection of Somali poetry

1.Adaa Soobir-gaydhooy sir qaba, oon samaan wadine

2.Dadku wuu sarquumaa ninkaad, saaxib noqotaane

3.Salaadaha udgoon iyo cilmiga, wuu ka saahidaye

4.Saqaafaha ninkii kuu wadee, sahanka kuu waalay

5.Siigada ninkii kaa ceshee, saxarka kuu diidey

6.Sargooyada aleemada ninkii, kuu sursurey koorta

7.Saydhada ninkii kaa baxshee, qodoxda kaa siibay

8.Ninkii garabka kaa saray adoo, meel ka socon waayey

9.Adoo rimay ka saahiday ninkii, gacanta kuu suuqay

10.Sancadaada oo idil ninkii, saayaq ku ahaadey

11.Iyo abid sibcowl aadan arag, waa wax kuu simane

12.Maxaa saatan kuu galay la waa, nimaad saluugtaaye?

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r