Qamaan Bulxan oo ay Xabashiyi Herar ku xidhay xilliggii Giri-Girida la odhan jiray ayaa fariin faray Maxamuud Ciye oo ahaa nin Reer Ciideed ah Qamaanna ay isku raas ahaayeen. Qamaan wuxuu tolkii u sheegaya inay isu soo ururaan cadaawad badan o jirta awgeed. Gabaygan isagoo wada dhan ma hayno wuxuuse yidhi inta eega naga soo gaadhay:
1. Maxamuud Ciyow talo adduun, miririg weeyaane
2. Waa waxaan masuubana la’ayn, laguna maanshoone
3. Hadba adiga oo moog unbuu, mahayin aaraaye
4. Oo soo mudh odhan duul madow, milaygi Dayreede
5. Ma moodaynin middanaa kuugu xigi, maalintii Sirow e
6. Waxse aad mari halkii Eebahey, kugu manaystaaye
8. Rag aan miidhnay madaxdoo faqday, buu mala khasaarshaaye
9. Mudaahano masalo been ah, baa madhisay Daroode
10. Naftanu waxay u maxaboon, halkaan lagu manaabayne
12. Maaneed raggii degi jiray iyo, madhay Ogaadeene
13. Madheedhkii ku yiil Dhirindhir iyo, Xoddayo waa mowede
14. Marta Faaf maldada Ceel Bakool, madhan ciddeediiye
15. Waa meyti aakhiro Wardheer, maqadinkeediiye
16. Maxaad Roobna Mandooyiyo ka samir, mududkii Caadoode
17. Waa marag waxaa ay inagu fureen, dhalad mudkiisiiye
18. Magacood ba’ayoow waxaad tihiin, dibada mayd yaale
19. Mashaqowde maatida hadaad, midigta jiidaane
20. Soo miilo gaabsada haddaad, qaban kartaan meele
21. Ama maala caanaha Bankay, Murug ku dhiiqdaaye
Soo dhamaystir haddii aad nagu dhaanto.
Be First to Comment