Gabaygii Dubbad Hiirad iyo kii Faarax Nadiif ee Silsiladda Guba furay waxaa xigay oo geedkii ugaasku fadhiyey soo joogsaday Saahid Qamaan Calioo hor kacaya fardooleey uu af-hayeen u yahay, wuxuuna tiriyey gabaygii saddexaad ee Silsiladda. Saahid wuxuu butaacay gabayga caanka ah ee “Sinnaan” la baxay oo murti carrakawaa ah xambaarsan. Waa gabay xilli walba munaasab ah, kali- talisnimadana iyo macangagnimadana kasoo horjeeda.
Wuxuu xusay in talo la wadaago iyo ina-adeerow raggu wuxuu ku dhaamo aanay jirin, in tolka dhib iyo dheefba qayb u tahay oo si siman oo cadli ku jiro loo wadaago, in dadku gaar ahaan raggan ay wada dhasheen ee ay is hayaan siman yihiin oo mid ka kale wax dheer aanu ku jirin, haddii ay ka tagi weydana isagu uguba sito. Ninkii indhaha iga laliya ee iga maarma uma baahni, kii aan tolnimadayda rabin tiisa ma doono, ayuu raaciyey. Wuxuu kusoo xidhay weerar uu ku qaaday Faarax Afeey. Oo muxuu ku galay Faarax-Afeey? Maalin kale iyo maqaal kale ayeynu ku lafaguraynaa arintaa. Gabay dhaxal gal ah ayuu halkaa Saahid ka mariyey, wuxuu ku billaabay:
-
Dubbadoow nin maansood i yidhi, waa i moog yahaye
-
Waa iga madoobayd tan iyo, maalintii Sirow e
-
Minjogooye siduu noogu dhacay, maadis bay galaye
-
Murti iyo adaan kugu ogaa, miigganaan gabay e
-
Ha yeeshee haddaan maago hadal, waan mitimiyaaye
-
Iga maqal hal aan xalay mir kacay, ama la muusooday
-
Waa kii shir laynagu makalay, madaqsigii jaane
-
Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne
-
Maantana maxay noqon sidii, Maxamed loo yaabye
-
Middan kalena waa wiilashaan, maanka laga qaaday
-
Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e
-
Nin mudmuday dharkayn hoosna maray, mudhuxyey shaaleeye
-
Miyir waxaad ku waydaan iswaal, kuma mihiibtaane
-
Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne
-
Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin
-
Middan kalena waa aniga iyo, mid iska sheeggayga
-
Inaan malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo
-
Magowshaha haddaan layga siin, maax la dhuranaayo
-
Oon meesha taagnahay anoon, murudna leefaynin
-
Oon maydhax aan igu xidhnayn, maylimo u haysto
-
Oon waliba mood iyo salaan, ugu maleegnaado
-
Saddex magac Allee xaajadaa, layma maransiiyo
-
Haddiise doogga muruqiisu go’o, milayga jiilaalka
-
Mawiga ceel haddii loo kacoo, maalku ku arooro
-
Waw miila-qayb niman hadday, magac wadaagaane
-
Masoow aabbahay iyo waxaan, Magan kasoo gaadhay
-
Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi
-
Masaa in aanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahaye
-
Oon waliba kaga miil caddahay, miidhse diiddaniye
-
Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo
-
Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho
-
Inuu aabihii Madar yahuu, muuno ku lahaaye
-
Muska Ina-Afeey galay arlada, kama miciin moodo
-
Sidii koran xiniiyaha la muday, uma maluugnaado
Gabayga Saahid wuxuu aad ugu eg yahay midka Dubbad. Bal u fiirso; hadduu doobke buuxsamo inuu, daato waw halise halka uu Dubbad ka yidhi, Saahidna wuxuu ka yidhi: muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin. Halka Dubbad ka yidhi; durbana wuu kibraa sedo ninkay, dacasha saartaaye, Saahid wuxuu ka yidhi; hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e. Waxay labaduba dagaal aan kala hadh lahayn ku qaadeen Ugaas Xaashi sidii balantu ahayd.
Be First to Comment