-
Haddaan Caynabow col iyo guluf, caato kugu raagin
-
Waxaad cooddi weynayd haddaadan, caday ka dhuubnaanin
-
Casar galay sidiisii haddaadan, dhidid ku caaryeysan
-
Haddaan cududahoodou isku jabin, cuurka Bah Xawaadle
-
Oon maydku cagahaaga noqon, sida cagaar seexday
-
Geeddiga cedceedsaday haddaan, caga jab loo guurin
-
Cad la quuto mooyee haddaan, caano laga dhaaran
-
Sida laga calool qabo haddaan, Cali ka weynaanin
-
Hadaan nabadda ceelkaan ku rido, cidi ka soo saarto
-
Caallaan ahay oo caallaa i dhalay haddaan, dunidu ciiryaamin
—————————————————————————
Mar kalana waa kii lahaa:
-
Feedhaha miyaan uga qablamay, siddii libaax qoodh ah
———————————————————————
Be First to Comment