Press "Enter" to skip to content

Beerqaad

Saddexdii gabay ee ku saabsanaa Dagaalkii Laabaad ee Adduunka markay siddaa u dhaceen ayaa nin Muxumed Weyrax la odhan jiray oo raaska Maxamed ka dhashay ahaa ayaa yidhi Maxamdoow waad na wareerisay oo wax aan waxba ka jirin ayaad maalin walba nagu akhrisaa, waxaadna had iyo goor noo sheegtaa waxyaalo cusub oo aduunka ka dhacaya marka adeerow waad na qasteye beenta naga daa.

Hadalkaa ayuu Maxamed Cumar ka xumaaday markaa ayuu tiriyey tixdan yar oo uu si ilbaxnimo iyo xog-ogaalnimo ku jirto u tusaaleeyey Muxumed Weyrax iyo intii markaa la noolaydba. Muxumed garasho yari isaga gooni ku ah oo uu waxba la garan la’yahay ma jirin, abwaankana ma uusan xistaynin balse waxaa meesha ku jirta arintii aan hadda ka hor soo xusnay ee ahayd kala fogaanta garashada abwaanka iyo garaadka qofka caadiga ah. Wuxuu yidhi:

  • Soomaali been baa rogtiyo, dhaar la badiyaaye

  • Arin kuma baxnaansamo Cabdow, baanisaha geele

  • Buug xaajadii lugu dhigaa laga, bogsoodaaye

  • Booriga bad loo marro hadaan, ballo iyo, khoof joogin

  • Oo baarax nabadeed dhacdoo, weerar laga baaqday

  • Dayuuradahan bowleyn ee badan, maxaa keenay

  • Barqinka iyo aroortii maxay, buuga ula roori

  • Boorsada maxay ugu wadaan, Bulug kobtuu joogay

  • Buntukhyada maa lays ka dhigo suntiyo baaruuda

  • Bandiiradaha hoostooda maa, boobka laga daayo

  • Bayaangada maxaa looga layn, rugaha baashooda

  • Xukumaad maxaa bi’iyey maxaa, rag isku baaweeyey

  • Bangigii maxaa xidhay maxaa, balad abaareeyey

  • Muxuu Baaniyaalkii Cadmeed, booc u furi waayey

  • Biidkii Hindiya soortii, bixin maxoow diiday

  • Waxba yaanan baasaha adduun, badin wataahiisee

  • Kol haddaan macdani soo baxayn, soorna laga baaday

  • Ooy bakhtiiya taal gudhan, bilicdi loo haystay??

  • Oo badar u dheef yahay, kuwii baasiyaha ceeshay

  • Maxaa laysu beer qaadayaa Port Siciid xidhane

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r