Gabay gabayadii badnaa ee Maxamed Cumar Dage ku lahaa Silsiladdii Rayad ayaa waxaan ka haynaa oo kaliya afartan meeris ee hoos ku xusan.
Wuxuu ahaa gabay guubaabo iyo kicin ah oo ku wajahnaa Dhulbahante. Wuxuu ku tirtisiyey inay rag madaxdoodii la laayey u dhigma dilaan oo ugu aaraan Xaaji Cumar Cameey, Axmed Cige Siiarag iyo kuwii kale ee kaska iyo maaga Habar Yoonis u laysay. Wuxuu leeyahay Shaybe, Jaamac Shire, Col-ujoog iyo ragga noocaa ah haddii aydaan ku tuujin nasab ma tihidin Daaroodna ma sheegan kartaan. Wuxuu yidhi:
- …
- Shaybiyo haddii aan la layn Ina Shiraha Jaamac
- Haddaan shaqabka Col-ujoog ka tagay loogu shalow siinin
- Aararsame shafkii ma aha iyo shaanki reer boqore
- Hanna sheegannina waxaydin dhalay baliyo shaydaane
- …
Be First to Comment