Press "Enter" to skip to content

Xasan Garabeey

Wuxuu abwaanku gabaygan tiriyey muddo aan saa u fogayn isaga oo u jawaabaya niman Isaaq ahaa oo soo caraatamay. Wuxuu qirayaa sheegashada Soomaalida qaarkeed sheegato in asalkoodu Carabta xaggeeda ka soo jeedo oo ay waliba isugu faanaan. Wuxuu leeyahay dib ayaanban u faa’iiday mar haddii duul aan ila sinayn hadalba na dhex maray. Wuxuu kaloo leeyahay cir, dhul, meeshaad dooniba tag aniga unbaa kaa dul bixi doona mar walba. Inta nasoo gaadhay oo aan cajalad Cabdullaahi Dhoodaan duubay ka qornay wuxuu ku bilaabay Xasan:

· Markaan Carab ahaa ee Cajami, laygu soo celiyey · Isagaa ciraab lehee wuxuu, Caadil uga jeeday · Cagta waa inaan kugu hayood, ciil u dhimataaye · Cimrigaaga waa inaan sidaa, kuu cabiidsade e

· Haddaadse cararto baallayda, waa lagu carraabaaye

· Cirka gaadhi maysidooo, Ilaah caasi baad tahaye

· Daruuruhuna waa cad yaroo, ku ceshan maayaane

· Cidhib iyo dhul layslama huree, ciidda waa imane

· Kobtaad cagaha saartana waxaa, ku cuskan Daaroode

· Annagiyo cammuudaba ninkii, caasiyaa mudaye

Soo dhamaystir haddii uu qabyo yahay.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r