Press "Enter" to skip to content

Ingiriis Qabxume WWII

  • Ingiriis qabkiyo baanihii, wuu qalmahayaaye

  • Daarood unbuu qaxar badaye, qaaday dunidiiye

  • Kuwii qeyro dhaafay haday, qoomamo hayaane

  • Qabowga iyo nabaduu jeclaa, yaa la qoonsadaye

  • Qaribaada duulkii lahaa, qado mahaystaane

  • Waa qaran bax gaalada ninkii, ugu quwad roonaaye

  • Jarmalkii qasaaraha jeclaa, qaaday dunidiiye

  • Ka quusay qooriga Suweys, qabashadiise

  • Maraakiib qafilan baa badweyn, looga soo qaxaye

  • Qabro sheegadkii lawaa, loo qodhlayn jiraye

  • Raaciyo haddey qaabileen, qalab la’aaneede

  • Qabkii Musaliini ha gudhee, qaaliga ahaaye

  • Qalalaasihii lagu dhigeey, qabaxdi raaceene

  • Faransiis ma qaalana siddii, Paris loo qodaye

  • Quruumaha hortooduu ayaan, qubay silaaxiiye

  • Waxaan qolada siinka leh ahayn, qaran ka duugowye

  • Qeyrada Islaam marbaa, qeyr usoo dagiye

  • Qoladaa ku jira Eebaheey, hayna qaalibe e

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r