Qamaan Bulxan ayaa go’aanka ku gaadhay inuu duulaan afkiisa laga habaabay ku kiciyo nimankii afadiisii, Barni Sheekh Cabdille, dhacay. Wuxuu u hub uruursaday marka roobku da’o, reeruhuna isu soo noqdaan ee Banka Qoraxey laysugu yimaado uu rag iyo ciidanba dumo oo uu dagaal haweenaydiisii ku raadgoobo. Wuxuu yidhi inta nasoo gaadhay:
-
Dadka maatada u kala tagtaan, muran ka oognayne
-
Haddii haatan lays kala maljaday, murug aduunkiiye
-
Muslinow bal maqal xaajadaa, laysku malaq siiyey!
-
Ninba tuu miliilico haween, maraq la weeyaane
-
Waa midig kataal dumar ninkii, moodi tuu qabaye
-
Muslinow bal maqal xaajadaa laysku malaq siiyey!
-
Anoon marintideedii dayicin, meel fogna aan joogin
-
Oo shalay minkeedii tagay oo, gaadhi kara maanta
-
Muslinow bal maqal xaajadaa, laysku malaq siiyey!
-
Iyadoo mandheeri cad qabtoo, socod mushaaxaysa
-
Oo aanan maqnayn oon fadhiyo, maqasha foofkeeda
-
Muslinow bal maqal xaajadaa, laysku malaq siiyey!
-
Maadhiinka buuxa iyo intay, midigtu laabmayso
-
Rabbi bow markhaati ah inay, meer la dhici naagtu
-
…
Soo dhamaystir..
Be First to Comment