Gabaygii 2aad ee Ina Dubbe
Ina Dubbe oo aad moodo inuu Cali fiirsanayey ayaa mar kale u jawaabay isagoo waliba kala qaaday isla xarafkii “Dh” ahaa ee Cali ku qotomayey gabaygiisan dambe. Wuxuu yidhi:
- Anoo dhoor leh gabay waanigii, dhigay hannaankiiye
- Xaluunbay dhambaalladu sideen, dhawr ku soo ridaye
- An dhaqaajo waatuu beryahan, dhabarka saarnaaye
- Allahayoow dhawaaq run ah maxaa, Cali ku dheeraaday
- Dhengeddiyo Haweenkaan ilmada, qaar ka dhiidhiyine
- Dhashooday dagaalaan kolkay, dirid dhammaystaane
- Wax ka dhigan qabiilkuu dhacee, weli dhex joogaaye
- Dhammidii Ogaadeenka saw, dhexidh ma qaadsiinnin
- Ma dhandhaamay reer Dalal sidii, dhugatadii qaanka
- Dheeldheel miyuu kula kaftamay, dhagar intuu geystey
- Uu weliba lama dhuumannine, Dhugadna gaadhsiiyey
- Dhicis iyo miyuu dhankaa,Webi u dhaafsiiyey
- Ma dhirbaaxadii lagu dhuftuu, dhaabado u raacshey
- Dhoollaha kolkuu uga qoslay, gacal dhaweystaane
- Inuu shalay dhalfiifaha ka dhigay, dhaadimahayaane
- Dhalfa-weynayaashuu hayiyo, dhaafe gabaygiiye
- Allahayoow rag layskuma dhirshee, dhoohanaa nimanku
- Dhaantada iyo jiibtiyo orkaad, dhalasho mooddaaye
- Dhallinyariyo waayeel kurtood, wax isma dhaamaane
- Dhuuxoowda goortay maqlaan, dhaafe xoolaha’e
- Dhusla orodka kaymaha xidhkii, dhuuban laga baydhye
- Ku dhadhabe hadday dhebi sitaan, dhimasho geeryaade
- Aaway Dhoonbirkiyo Maarrihii, lala dhabaynaayey
- Dhulku idin liqyeey sow iyaba, koodu dhici mayo
- Afartaa dhallaanku ha bartee, dhaw ma kaga siiyey
- Dhaqso hadalka kii loo yidhaa, malaha dheecaane
- Dhaxdin yarina meel doog leh, way kugu dhaweysaaye
- Dhawaaq kalena way xaajadaa, dhaafay madaxooda
- Dhudhumada ninkii kaa jebshee, shaqasho kaa haynin
- Gadhoodhkiinni hadhaybuu Isaaq, maanta dhigayaaye
- Waa lagu dhintaa Geelayaga, sida dhunkaaleeda
- Ma dhaqaaqdo qoladii fardaa, dhuuban gelisaaye
- Ma dhadhamin wadaadkii Hartiga, dhoon ka buuxsadaye
- Haddii dheegga Haaneedka sumad, dheeri kaga taallo
- Dhurwaaguba ma cuno tuugga aan, dhaqanse mooyaane
- Isba dhuuni waa jecel yihiyo, sidigta dhaameele
- Dhacaa laga horraysiiyayoo, dheeha malahayne
- Dhirta debedda waakii fadhiyey, toban dharaaroode
- Bal Dhulbahante Habar Yoonis, muu dhiinka kala gooyo
Be First to Comment