- Nin u booran qayrkii haddana, baanayaad tahaye
- Booda dheerihii baa tihiyo, baygagii shalay e
- Ba’ na ma ahid bootana warbaad, baafi lee dahaye
- Bisad baad kasii liidataa, buurna waad fanane
- Bogcad baad go’doon iigu tahay, meel ban geesha ahe
- Bisinkii Ilaahay iyo haddaanan, Boqor ka yaabaynin
- Mar horraad baruur shiilantiyo, noqon lahayd beer e
- War hooy gabaygu kuumuu billee, hays ban jarin maanta
- Haddii kale bilaawaha afkiyo, filo banbaanooyin
- Oo ha bakhtiyin markaan kugu bilbilo, oo baaska how dhimanin

Bilbil iyo Banbaano
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment