Press "Enter" to skip to content

Gabaygii: VIII (Dan u Baxay, 4aad ee Cali Dhuux)

  • Dan u baxay Ogaadeen hadduu duudsi qaayibaye

  • Dirirsiiyey diidana inay duul ka nixiyaane

  • Anigii dagaallaminahayey igu dabreeyeene

  • Duullaanna way soo baxsheen sida Daraawiishe

  • Daabaca raggii lagu dhuftee daabka lagu jiiday

  • Daabaqad wajiga baw hadhiyo diillin aan go’ine

  • Ma iyagaan dadkii iyo ahayn duudda Nebi Aadan

  • Iyaguba dab iyo waa sitaan damaq rasaaseede

  • Dumbuqooda liishaanka daran daalib ma ahayne

  • Dawadiisu waxay saaran tahay daacad loo rido’e

  • Waa wuxuu isaga daadsan yahay oon doocna garanayne

  • Dawdii ha darandoorriyeen hana dagaajeene

  • Dushana hawgu soo dhaamiyaan dumarku haantiiye

  • Dabinkii xumaa iyo sibraar ha isku duubteene

  • Dugsi dhaxan leh haw yuururaan diilalyiyo ciile

  • Intay dacarro waaweyn dhigaan dalag ha beerteene

  • Mar haddaanay daaqayn Walwaal nimanku dooggeeda

  • Oo dibinta saarayn Wardheer loona dacareeyay

  • Danwadaag iyaba waannu nahay downa wada naalle

  • Bal Iiddoor maxaa igu diroon, Doollo ugu sheegan

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r