The largest online collection of Somali poetry
Intiinii la socotay waxaan dhawaan idin soo gaadhsiinay cajalad uu duubay Cabdullaahi Dhoodaan oo uu ku toosinayey khaladyo badan oo taariikhda laga galay iyo suugaan badan oo la marin haabaabiyey. Waxaan isla xilligaa idiin balan qaadnay inaan ka shaqaynayno soo hellidda cajal kaa la mataan ahaa. Waxaan idiinku bishaaraynaynaa inaan middii labaadna gacanta kusoo dhignay oo aad halkan hoose ka dhagaysan kartaa. Dhagaysi wanaagsan.
Maxamuud Oomaar |
Xarbi Ismaaciil |
Maax Dhagoole |
Guba 2 | Cali Daya | Iidoor |
Boobaay | Xarbi vs. Qawdhan | Qaar Cayuun |
Meel xun Kamandhu… | ||
Camanje Yogol |
Cali Oday |
Maxamed Dheere |
Namiimiye | Cali vs. Weerar G. | Max’d vs. Weerar C. |
Halxidhaale |
Halac Dheere |
Gunaanad |
Dulmar Kooban | Gunaanadka cajalka |
Gabayadan oo qoraal ah ayaan soo sidnaa sida xamaalkii . Ha u daymo la’aanin inaad qoraalka ka libaysato oo aad akhriska iyo dhagaysiga kolba mid ku nasato ka dib markaan kusoo giraangirino.Tixihii Maax Dhagoole bal kusoo dhawow:Maxaa Dhagoole ayaa gabayadii ay is dhaafsadeen Camanje, Cali Geele, iyo Beenaleey loo geeyey kolkaa ayuu isna wuxuu ku darsaday gabay aan ka hayno:Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka IidooreHa ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaayeAroortay yimaadeen iyagoo, awr faruun xidhaneIrriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin aheeUurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeedeCirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii loogeAqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaayeAagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin rooneAboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaayeIstalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta aheIlamahan galabtuu iman, aabihii dhalayeAfcastuna markaasaay dishaa, kabadhe Iidoore…Mar kale oo uu gabay dhinaca Isaaq u diray waa kii lahaa waa inta aan hayno ee:Iidoor qardoofaan lahayn, tan iyo QaabiileQasrigaasu waw kala xidhnaa, qolada DaaroodeWaxaanse qoodhihii jaray, markaan Qaar-cayuun idhiyeMa kitaab Quraanaan ka dayey, qeexanaa hadalkuHadda uu qaliil kama baxoow, qeyd macaash yahayeHadda uu qar ooddan iyo sool, qaali mariyaayeHadda uu qaraamaad ka guran, qollada HiiraaneHadda uu qashwado fool xun iyo, quluc biyeystaayeHadda uu quddaha leefayaa waa, qorqodihiiye…Markii kalana waa tii laga soo wariyey:Milix keentayaa iyo adhyaha, marin ka doontaabaMacaluul wax kagama dhintaan, macawisaaloweMalax badane siddii Moor garba la’, min isku heeryeeyeMantag celiye miir daaca-qudhun, kala musbaaxayste…Gabaydaa dhex mari jiray nimankii Isaaq iyo Maax Dhagoole waxaa ka mid ahaa mar ay qolo hadal usoo fareen Maax oo ay yidhaahdeen:Sin baneeye bawdkiyo habraha, bari ka sheekeeyeBarin goon leh iyo meel banaan, boodhka kala xaadheBisqinyaha habaaskii galay, dib uga baandheeyeHalkuu baadi doonkii ku helay, boodhka ka afuufe…Markaa ayuu Maaxna u caliyey:Kalya cune kalluun xadhig ku dabe, kuudud qumayaaleMuslinka oo karuurkiisa dhama, kiishad madhan haysteKoran xabagi oofaha jartiyo, nirig kabaalaysteKub habaasle waagii barayaba, kadinka taagnaadeMeeshiyo kaxdii Dhoobo Weyn, kolay la meeraysteWax karkariye dheef laga kibriyo, madaxyo kiikaysteKuraantiyo intuu madaxa cuno, kalalax maadooleKanbal reer intuu yuurursado, meel xun kamandhuudheSiddii nirig kaliilada lahaa oo, hal loo kiciyeyKamiintii hunguri buu qabaa, kadan lasoo rooryeKayntaa markii uu u baxo ee, ka kale doontoKunkii la cadcadaab ma u eg yahay, kadaf godkii waayey…Gabayada Maax ee kale bal soo raadi.
Be First to Comment