Maxamuud Cali Beenaley ayaa isagoo ku faanaya niman ay tol ahaayeen oo is-bahaystay xidhiidh wanaagsanna samaystay tiriyey tixdan hoose isagoo uga jeeda in is-garabsiga iyo dhan ahaanta ay sii adkeeyeen. Wuxuu yidhi, Allaha u raxmee:
-
…
-
Saleebaan Suldaannada Xandule, saajacyada dhaartay
-
Iyo nimanka Suubaan ah iyo, seedda Cagaweyne
-
Sirmaqaatayow hidi dhalay iyo, sadarka Qoobdheere
-
Saaciid Awowgeey ah iyo, weliba soo raacyo
-
Safka Ba-Habar-Celi Diiniyada, saajacyada dhaartay
Intaasoo sokeeyowdey oo, saanaddu u buuxdoWallee saabur buu noqon ninkay, subax haleelaaneWallaahaan sagaal kaga magdhabi, saaq ninkii qabayeSaddex maran ninkii naga hayey, bay sababti joogtaayeDadoow samir Bahoo suuftinaa, saaftay dunidiiye…Sidii uu jeclaa is garabsigii inuu u hanaqaado ayuu u hanaqaadi waayey dhalliilo dhawr ahna way soo gaadheen Maxamuud, markaa ayuu tiriyey gabay ay kamid ahaayeen tixahan hoose. Wuxuu yidhi mar kale:Baho inay tamiimaan la waa, ama tis-qaadaaneIn kastooy tamuuxaa noqdaan oo, la tirin waayoToddobaatan uu oday dhalaa, igala taag rooneTollaala’ayey waa waxa i hodey, taaha reer HediyeTunkana waxa na soo wada qabsaday, taaggii Reer Dalale…
Be First to Comment