Press "Enter" to skip to content

Calaamo

Gabaygan soo dhammaystir, taariikhdiisiina soo raadi.

  • Waa taan Cadaadley ka guday xalay cawayskiiye

  • Caado iyo intaan Sirow tegaan caano geel dhamaye

  • Cosob iyo markaasay Maryama ila ciyaareene

  • Citiraafna waan helay sidii dawlad caadila ahe

  • Waana lay casuumaday sidii caalim soo dagaye

  • Ragna inuu catrado ii dhisuu iila ciil qabaye

  • Cisigaa anoo heli karoo cudur la’aan seexday

  • Turumbadu markii ay cidee waaguna caasaaday

  • Cirkii iyo camuudii markaan cayn kastaba dhawray

  • Rag calool xun goortaan arkiyo calalo taanbuug ah

  • Carmis inaan ag joogaan gartiyo wali ciqaabtiiye

  • Caku anigee goormaa wajaaf laygu soo celiyey

  • Carradii biyaa iga xidhoo waxaan cabaan waayey!

  • Cadar bay ahaydoo intaa caga-gubyey haysay!

  • Cagaag baa i mudayoo kabaan cidhibta saaraa dheh!

  • Shan nin bay casuumaysayoo fiidkii ma cashayn dheh!

  • Batar Ceerigaabaan ku jabay mana ciyaarayn dheh!

  • Cirka iyo baqoolaan ku tegay Cadale meeshiisa

  • Cusbalayna waan soo mariyo Ceelis gudaheeda

  • Cimrigayna meeshaan fadhiyo kama carraabayn dheh!

  • Cawdaan ku jiifiyo hurdada caawa kama toosin

  • Sidaan u caweysimaayuu waagu ku caddaan dheh!

  • Niman bay canaantoo haddana ii calaalcala dheh!

  • Ceeb baa la ii faafinoo la ima caayayn dheh!

  • Hadalkaa calaamada leh waad la cajabaysaane

  • Caynkaana waxa iigu wacan ciilka aan qabo dheh

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r