Gabaygii 1aad
- Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye
- Loo diid Dannood iyo hadduu degi lahaa Ciide
- Nimanbaa dalkoodiyo xukuma labadi daaroode
- Darraatoole iyo Faafanoo wada duraabaaya
- Deegaanta haraday ku tiil daaqi mahayaane
- Deex kama mareershaan halkay deleb ku beerneyde
- Markii duraha jiilaal kacee doogga la idlaysto
- Duurkiyo dayada Hawd markay Debec ku soo oonto
- Laaskii uu ku dalandooli jiray loogu degi waaye
- Alla daw guduuddii Wardheer kama durduuraane
- Dawadeedu waa Jeerinley uga dul geeraare
- Ceelkii biyaha diirranaa looma dawdabo’e
- Dixda Qarandi Deeroy Mataan loo dardari waaye
- Maantana dukaamaa la dhigay degelkii Gaafoowe
- Darar kagama maalaan Camuud diiqo iyo xoore
- Dixda Raygaleed iyo Gargaar laysu dacareeye
- Dayr baaba lagu meeriyoo loo dabbaal degaye
- Wardheeroon dagaal xumi ka dhicin dig iyo baaruudi
- Doox iyo Doh iyo Faafanna waa soo dalbanayaane
- Kuna dalaaqin naagihii inaanay dib uga laabmayne
- Iiddoorku siduu damacsanaa loo diyaafadiye
- Hadba dunida duul baw kacoo diin la soo shira’e
- Dar Illaahay uun baa xaggiis looga soo diraye
- Sow sida Darwiishkii Isaaq duub cad uma qaadan
- Makaahiilku doy uma kaceen degeya Hiiraane
- Daacuunku meeshuu ku leyn uma dalluumeene
- Daal iyo hadhuudh kuma cuneen degelkii Haarweyne
- Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye
- Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya
- Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye
- Dooyiyo dabriyo weerar iyo malaha duullaane
- Ninnaba uunka kama dawladsana Dir iyo Daaroode
- Ilaah baa dabkoodiyo nasakhay danabadoodiiye
- Dadka uguma liitaane wey diriri waayeene
- Afartaa sidii dalab la riday maysu daba joojay
- Da’daan kaga bilaabiyo miyaan deelkii ka habawshay
- Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
- Dacwad kalana waa Reer Xirsiga halan dareensiiyey
- Dadka waa la wada laynayee waw darreydeene
- Dubbihii ku dhacay Bihina Cali doogta weli haysa
- Waa waxay la dabandeebayaan daqarradeediiye
- Waxay dalagga beeraha la qodon waa dagaagnimo’e
- Damal Aboodi Dayr iyo Afmeer dixida Gaaroodi
- Reerahoodu maantay degeen daawo lagu boobye
- Sidii galab dawaar loogu rogay Delab ma maalaane
- Ina Raabbi waa tii la dilay waana Reer-Dalale
- Dumar kuma sagootiyin kuwii dahay Ugaaskiiye
- Dan baa tidhiye lama duudsiyeen Dirirkii dheeraaye
- Aniguba dubkaan uga nixiyo diirka oogada’e
- Ma damqodo’e kii dad ugu xigay waa durduriyaaye
- Ilmo Dacarba duul bay indhaha dumuq ka siiyeene
- Nimankii walaalkood durqumay kama dambaysiine
- Degdegsiinyo waa tay ciyoon duqaq u laayeene
- Nimaan aabbihiis danabyo dhalin looma duurxulo’e
- Dibbaa looga yaabiye iyo inuu kaaga sii daro’e
- Dagaalkii Killaas ugama rayn duulkii Reer Shalace
- Dunta boqorka nimankii sitee duubi jiray shaalka
- Anse kolay duraan waxbana yaanay dillin doorarna u layne
- Geerida Hurahan diidayey dereja dhaamaane
- Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
- Da’dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay
- Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
- Dacwad kalana waa aniga iyo dan iska sheegayga
- Maansadan dad wada qoonsadee diradiraha u qaatay
- Diin runa dalliilkii sharciga yaan ka daabacaye
- Denbi inaanu iga raacihayn daacaddaa furiye
- Daahyaale geelii la helay waakan dayr dhalaye
- Duudweyn ma jiro Haamo iyo Daba Cadaadeede
- Derrinkii afkii Daadmareen kama dareershaane
- Dahab waatan iyo qaalmihii deyrcadka ahaaye
- Dalba quruxsanleeyeey ma foga dalawadiiniiye
- Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane
- Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh
- Oo wada dunuunucahayuu idin dul joogaaye
- Dubuxbaaba lagu sii wadaa iyo dararkii Baarjeexe
- Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
- Da’dii aan ka qaadiyo miyaan deelkii ka habawshay
- Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
- Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga
- Nabsigu waa daruuraha cirkiyo sida dabayleede
- Dersinkii wax qaatuu la’ yahay deynki godobeede
- Daa’iradu maantay waddaa duulashii galaye
- Xaqa daguugmay duunyada la dhacay dumarka ooyaya
- Naagaha ilmada duugayey diilalyadu hayso
- Daa’imo hadaydaan ahayn dagan xaqiiniiye
- Dagaal waan jeclaa xaajo aad dib ugu aydaane
- Doqon yahay ka kaca meeshanaad dacayda laalaadin
Be First to Comment